Dhageeyso+Daawo Sawirada: Madaxweynaha oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD

0

afeyMuqdisho, 06 January 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD Ambassador Mohamed Abdi Afey oo bishii December loo magacaabay xilkan cusub.

Ambassador Afey oo si weyn loo yaqaano isla markaana aad u fahamsan arrmaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu maanta madaxtooyada ku soo booqdo Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana u ballanqaado sida ay uga go’antahay inuu Dowladda Soomaaliya kala shaqeeyo arrimaha amniga iyo horumarka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u hambalyeeyey Ambassador Afey xilkan cusub isla markaana sheegey in IGAD iyo Dowladda ay wax badan ka soo wada shaqeeyeen, haddana la doonayo in aragtida fog ee dowladda laga shaqeeyo sidii loo fulin lahaa oo dalka Soomaaliya loo gaarsiin lahaa marxalad uu shacabku ku faani karo isla markaana caalamka aan kaalin fiican ka qaadan karno.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…

Afhayeenka Madaxweynaha iyo Safiirka Egaad u fadhiya Soomaalia

afey

afey1

afey2

– DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia
yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com