Top News: Dowladda Spain Oo Ka Qeyb Galeysa La Dagaalanka Falaagada Al Shabaabka Soomaaliya.

0

spainMadrid (AGGM):Wasaarada arimaha dibada dalka Spain ayaa sheegtay in ay dowladda Soomaaliya ku garab taagan tahay dagaalka ay kala horjeedo kooxaha Argagexisada ah waxana wasarada ay muujisay sida ay uga xun tahay weerarkii ugu danbeeyay ee Muqdisho ka dhacay midkaa oo lagu weraray Hotel Jazeera halkaa oo dad badani ku geeriyoden kuwa kalana uu dhaawac kasoo gaaray waxana weeraradaasi masuuliyadeeda sheegatay Al-shabab.

Jariidada ABC ee dalka Spain kasoo baxda ayaa soo xiganaysa wasarada arimaha dibada dalkasi oo sheegtay in qaraxyada argagexiso ee Soomaaliya ka dhacaya ay tahay waxaan caqli gali Karin waxana uu muujinaya xagjirnimada oo kusii baaheysa Soomaaliya.

War saxaafaded ay wasarada soo saartay ayaa lagu sheegay sida ay Spain u garab taagan tahay dadaalada dowladda Soomaaliya ay ku doonayo sidii ay u soocelin laheyd xasiloonidi dalka iyo xaqiijinta horu marka dhaqaale iyo mida bulsho ee dalka dhaca bariga Afrika.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com