Top News: Ciidamada Dowladda Iyo Al Shabaab Oo Dagaal Ku Dhaxmaray Gobolka Shabeellaha Hoose.

0

Dagaal-GedoJanaalle (AGGM): Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ku dhaxmaray deegaanka Janaalle ciidamada dowladda, AMISOM iyo Al-shabaab.

Dad ku sugan degaannka Janaalle ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka oo socday in ka badan saacad uu bilowday markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada AMISOM ay halkaas ku leeyihiin.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay degaanka Janaale kaasoo labada dhinac kala gaaray inkastoo tirakoob sax ah aan laga heynin.

Xaalada degaanka Janaalle ayaa saaka degan, iyadoo illaa hadda aysan jirin war ku saabsan dagaaladan oo ka soo baxay dhinacyada halkaas fooda isku daray, waxaana Al-shabaab ay maalmihii ugu dambeeyey ay kordhiyeen weerarada ay ku qaadaayaan dhinacyada ka soo horjeeda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com