To News: R/Wasaare Cabdiweli Oo U Hambalyeeyay Guddoonka Cusub Ee Baarlamaanka Puntland.

0

cabdiweli29Muqdisho (AGGM): Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa soo dhoweeyay doorashada guddoonka baarlamaanka Puntland oo shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

War-saxaafadeed maanta oo Axad ah ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha ayaa lagu sheegay in doorashada ay u dhacday si hufan oo ku dayasho mudan.

Mudane Cabdiweli Sheekh ayaa sheegay inuu si dhow ula socday qaabka ay u dhacday doorashada, isagoo u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Puntland Siciid Xasan Shire.

Wuxuu xusay in qaabka ay u dhacday doorashada ay muujineyso horumarka dhinaca siyaasadda ee ay u baahan tahay Soomaaliya.

Raysul wasaare Cabdiwali ayaa rajeynaya in doorashada madaxtinnimada Puntland ee lagu wado inay dhacdo Arbacada soo socota ay u dhici doonto si dimuqoraadiyad ah oo lagu wada qanacsan yahay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com