Dhageyso: Gudoomiyaha Gobolka Galguduud Cirfo “Al-Shabaab Waan Ka Saareynaa Gobolka Galguduud”.

0

Cirfo-300x225Dhuusamareeb (AGGM): Waxaa Maalmihii ugu Dambeeyey Guud ahaan Goobaha ay ka arimiso Dowladda Soomaaliya ka Socday Abaabul Dagaal oo ay Sameynayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Maamulada kala Duwan Kadib Markii Lagu Dhawaaqay in 2014 Al-Shabaab laga Saaraayo Dalka.

Gudoomiyaha Maamulak Dowladda ee Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Cirfo oo la Hadlay Warbaahinta Qaar kamid ah ayaa wuxuu Sheegey in uu Soo Gabagaboobay Isdiyaarintii Abaabulkii ay Al-Shabaab Gobolkaasi ugu Saari Lahaayeen.

Cirfo oo isaga qudbad ka jeedinaayay xarunta 21-aad ee magaalada Dhuusa Mareeb oo ay ku sugnaayen saraakil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ku wargeliyay in la isku diyaariyo dagaal ka dhan ah Al-shabaabka ku sugan gobolka Galgaduud

“Waa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qaada weeraro ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo si looso xeliyo xasiloonida gobolka,shacabka waa in laga xureeya kooxdaasi nabad diidka ah”sidaasi waxa yiri Gudoomiye Cirfo.

Isku soo wada duuboo Al-shabaab ayaa waxa ay degaano kooban kaga sugan tahay Koonfurta Soomaaliya tan iyo markii laga soo saaray caasimada Muqdisho iyo sidoo kale gobolada ku dhow dhow.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga….

Dhageyso Gudoomiyaha Gobolka Galguduud

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com