Dhageyso: Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari Oo Hambalyeeyay Baarlamaanka Puntland.

0

JAWAARIMuqdisho (AGGM): Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu hor iyo horaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo uu ku ammaanayo sidii quruxda badneyd ee ay shalay oo taariikhdu ku beegneyd 04-January-2014 u qabteen doorashada Gudoomiyaha Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland iyo ku xigeennadiisa.

Tallaabada ay Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland ku doorteen Afhayeenkooda iyo labadiisa ku xigeen waxa ay ka turjumeysaa hirgelinta dhaqan dimuqraadiyadeed waxaana uu Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hambalyo u dirayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland ee la doortay walaalkeen Mudane Saciid Xasan Shire,ku xigeenkiisa Koobaad Mudane C/xamiid Sheekh C/salaan Ciise iyo Gudoomiye ku xigeenka Labaad Mudane Xuseen Yaasiin Xaajiga.

Gudoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Saciid Xasan Shire waa nin aynu aaminsannahay in uu si hufan u gudan doono waajibaadka loo igmaday maadaama uu kusoo dhex jiray siyaasadda dalka in mudo ah lagasoo bilaabo sanadkii 2000 oo uu ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka dowladdii TNG ee lagusoo dhisay Carta Djibouti,sidoo kalena uu ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka KMGka ahaa islamarkaana uu xilal heer Wasiir ah kasoo kala qabtay Xukuumadihii KMGka ahaa iyo Dowlad Goboleedka Puntland.

Nidaamka,degenaanshaha iyo daahfurnaanta ay doorashadu u dhacday ma ahan kaliya mid uu ku ammaananyahay Golaha Wakiillada Puntland ee waa sharaf weyn oo usoo hooyatay Shacbiga Soomaaliyeed guud ahaan,gaar ahaanna shacabka Puntland taasina waxey marqaati u tahay in Soomaaliya ay awood u leedahay maareynta arrimaha Soomaaliyeed guud ahaan.

Ugu dambeyntii waxaan Alle uga rajeyneynaa inuu u fududeeyo waajibaadka iyo howlaha shaqo ee horyaala Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland,ku xigeennadiisa iyo Xildhibaannadaba oo ay ugu horeyso qabashada doorashada Madaxtinimo ee Puntland, waxaan sidoo kale ku boorineynaa gobollada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee aanay weli ka hirgelin nidaamka Federaalka iyo dhisida dowlad goboleedyada iney ku daydaan walaalahooda Puntland ugana daydaan hirgelinta hanaanka dimuqraadiyadda.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…

Dhageyso Warka Prof Jawaari

WABILLAAHI TOWFIIQ

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com