Cuduro ka Dilaacay Gobolka Jubadda Hoose.

0

32Kismaayo(AGGM): Degaanka Hoosingow oo hoostaga Gobolka Jubada Hoose ayaa hada laga soo sheegaya in cudur halis
ah uu fara kulul ku haayo dad degaanka Hoosingow.

Dadkaasi oo iyaga u badan xoolo raacato ayaa la sheegay in qaarkood hada uu soo ridanayo cudur halis ah oo la sheegay in dadku ay gadaal ka deenayaan dhiig.

Dhaqaatiirta iyagu ku sugan degaankaasi ayaa sheegay inaysan jirin xarun caafimaad oo dadkaasi lagu badbaadin karo ilaa iyo hada waxa uu soo ritay cudurkaasi haweeyne iyop laba canug oo xaaladooda laga deerinaayo.

Allgalgaduud Media ayaa la hadashay dhaqtar degaanka ku sugan oo lagu magacaabo Aadan Ibrahim dhaqane oo tilmaamay in cudurkaani uu maleenayo in asalkiisa kasoo gudbay xoolaha oo ay dadkasi cunaan waayo ma jirto waxyaabo kale oo ay ku nool yihiin.

Degaankaasi waxa ka jira cuduro kala duwan oo ay ku jiraan midka hada ka dilacay shubanbiyood iyo sidoo kale cudurka Maleriyada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com