Maqaal: TALO RAAC NOQO AMA TALO KEEN. W/Q. Faarax Sabool Koriye

0

MAGUURAANQormadan tala bixineed waa Arar ku socota shakhsiyaadka gacanta u taagtay inay Madax u noqdaan shacab Ka daalay wax walba Oo damaanad nabadeed iyo kala dambayneed keeni Karay , wax badan ayaan lays weydiin , haddii lays wediiyayna jawaabtii saxa ahayd ayadoon la helin Ayaa lala aaday meel Aan meesheedii ahayn .

Dhibaato walba Oo raagta waxay Ku timid kala daadsanaanta shacabka iyo hoggaan xumida wajahday firka soomaalida waxaan u markhaati furayaa fikir oronaya shacab kala daadsan waxaa helay hoggaan Aan lahayn awood Uu ku kasbado Shacabkiisa iyo xal u helidda dhibaatada xaaladeed ee bulshadu ku sugan tahay.

Indhaha in Laga qarsado maaha run ka sheegidda xaaladda dadka iyo dalka Uu ku sugan yahay waa waajib Ina wada Saaran Inaan talo Ka niraahno dhaliilaha muuqda ee dib u dhaca fadhiidka Ka dhigay soomaalinimada , su’aalo badan Oo jira ayaan jawaabahooda ku sheegaya qormadan talo bixineed ee ku socota DFS ee muqdisha waxaana Aan ugu horaynba Ay iga tahay – siyaasaddu maaha been Iyo male awaal , siyaasaddu waa qaab samata bixin iyadoo sal dhiggeedu yahay qiimaynta marba xaaladda jirta .

Soomaaliya dowladda federaalka Iyo duqeeda magaalada muqdisho maxaay u eegi waayeen una qiimayn waayeen xaaladda? Maxay dawladda madaxweyne xasan daraasad uga soo saari weyday xanuunka runta ah ee bulshada? bushigan ku soo noqnoqday ee ku baahay ee saska iyo baqdinta leh ee naflaydii argagxa ku beeray , Aniga iyo qaar kaloo badan Oo dusha Ka aragna waxaan ku celcelinaynaa wixii ummaddan Ka dhexeeyay meel Aanay Ka soo noqonayn ayay ku sii socdaan , soomaalinimada qofka ay caqliyaddisa ku lunto taariikhdu marnaba maaha mid illaabaysa .

Madaxweyne Xasan culusow Qof kasta Oo ku jira xayndaabka dowladda federaalka adaa gacanta u taagay inaad masuul Ka tahay, adaa Diintayda islaamka magaceeda ugu dhaartay inaad xal u keenayso, mid wanaagsan Mid ku diiddan iyo mid kaa soo hor jeeda iyo mid ku raacsanba , waad ku ogayd maalintaad Isu soo taagtay rabitaankaga madaxweyne nimada in ummaddani wada dhaawacan tahay xanuun San tahay, Dhibbane wada tahay, Xalkoodii ayaannu kaa rabnaa Adaan kaa doonaynaa inaad raadiso baadi goobto CID walba Oo soomaali ah caqliyaddii lagu maarayn lahaa inaad keento xulato talo keenkeedii Isu keento , is aamin kii ummadda dhex deeda jiray Aad soo celiso.

Awood dadkan soomaaliyeed sii muquunisa cadaadisa sii kala fogaysa uma baahna , waxay u baahan tahay naxariis u turis Wanaag iyo wax U sheegid dhab ah, waxay u Baahi qabtaa bulshadu in Laga dhayo xanuunkii soo kala dhex galay ee colaadeed ee Ka bilaabatay labada Qof jiifo qabiil Ilaa burbur qaran , waxaa yaalla hawlo Aan la koobi karin Oo Aad isugu maran Oo Aan Qof iyo Koox iyo qabiil keliya Uusan xalkeeda sugi karin , daacad cadaalad iyo alle Ka cabsi Ayaa dhibtaan xalkeedu noqon karaa.

Qoraalkayga waxaan ku soo gabagabaynayaa in hanjabaadda Ka soo yeedhay duqa muqdisho ee ku salka leh guri kasta ee aannu Ka hello Qof Ka mid ah Argagaxisada waannu duminaynaa, talo diid ha noqon magaalada muqdisho Oo dhan yaysan ku burburin tuhun iyo waa Laga shakiyay, waayo dalka iyo dadkubo waa keennii Cadho 30 jirsatay Ayaa laysu qabaa Weli warbaa u kala maqan heshiis run ah iyo mid magac ahba ma jiree caqli kale ayaan kaa filayaa, aniguse Adiga iyo inta kalee dhaartayba – waxaan u arkaa gacantaada Oo meel ciriiryoon kaa gashaa lama soo dhuftee waa la soo dhirin dhiriyaa- ee Alla Ka cabsi daacadnimo iyo damiir nool Oo caqli u wehel ah Oo wadani ah halagu dabbaalo arrinka amnigana dadkeedii hala raadiyo waa la heli karaaye, Ahaadana Kuwa aaminsan inay adeegayaasha bulshada inay yihiin aaminsan waqtina ku kooban yahay shaqadoodu.

AQOON li’i Allow Ha Nagu Cadaabin. Eexna Allow Hanagu Dayn

Faarax Sabool koriye
doodde@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com