Dhambaal Tacsiyeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Marxuumad Xaawo Biixi Samatar (IL-Laawe).

0

tacsi1Dhambaal Tacsiyeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 04/01/2014 magaalada Balad Xaawo ku geriiyootay Allaha u Naxariistee Marxuumad Xaawo Biixi Samatar Ilaawe

Dhamaan bahweynta Allgalgaduud Media, maamulka iyo shaqaalaha Anaga oo ka tiiraanyonayna geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Marxuumad Eedo Xaawo Biixi Samatar (IL-Laawe), waxaan dhambaal tacsiyeed oo tiiraanyo leh u direynaa Walaalkeen Wariye Duraan Shirwac iyo dhamaan Reer Biixi Samatar (IL-Laawe), waxaana Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo Allaha u Naxariistee Marxuumad Eedo Xaawo Biixi Samatar (IL-Laawe), waxaan kaloo Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu Marxuumad Eedo Xaawo Biixi Samatar (IL-Laawe) janadi fardowza ahayd ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

Maamulka Warbaahinta Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com