Top News: Kenya”Amaan Daro ayaan ka dhaxalnay Ku Biiritaanka AMISOM

0

Kenya-flagNairobi (AGGM): Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa sheegay  in Amaan daro ay ka dhaxleen ku biirataan howl galka AMISOM ee ka socda dalka Soomaaliya.

Saraakiisha oo qaarkood ay la hadleen wakaalada wararka ee caalamka ayaa sheegay in weeraro dhowr ah oo qaraxyo u badan laga geestay tan iyo markii ay ciidamadooda galeen dalka Soomaaaaliya.

Jack Ekakuro oo ka mida saraakiisha hadlay ayaa tusaale u soo qaaday weerar shalay lagu qaaday Baar ka tirsan magaalada xeebeedka Diana oo waqooyi uga beegan magaalada Mambasa.

Weerarkaas oo loo adeegsaday Bambo gacameed ayaa sababay dhawaaca 10 qof oo ku sugnaa baarkaasi.

Bishii la soo dhaafay ayay weerar nuucaan oo kala ah lagu qaaday dalxiisayaal ka British ah oo ku sugnaa isla magaaladaas lagu magacaabo Diana.

Ciidamada Kenya ayaa bishii ocotobar ee sanadii 2011 soo galay dalka Soomaaliya xiligaas oo ay sheegeen inay dowlada Somaliya ku gacan siinayaan la dagaalanka xarakada Alshabaab.

Dhalin yaro ku soo barbaaray dalka Kenya oo aad ula dhacsan fikradaha kooxaha xag jirka ah sida Alshabaab ayaa la tilmaamay inay maleegayaan shirqoolo ka dhan ah dowlada Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com