Dhageyso: Ugaaska Beesha Sade Bari Oo Dowladda Soomaaliya Ku Dhaliilay Inay Ka Gaabisay Wax Ka Qabashada Xiisadaha Ka Jira Caabudwaaq Iyo Nawaaxigeeda.

0

Ugaas-TaakooyMuqdisho (AGGM): Ugaas Axmed Barre Cali Taakoy ayaa ka hadlay shaqaaqooyin dhimasho iyo dhaawac sababay oo dhowrkii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacayay deegaano ka tirsan waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Waraysi gaar ah oo uu siiyay Warbaahinta Ugaas Taakoy ayuu uga dalbaday dhinacyadii wax kala gaareen inay xabad joojin sameeyaan isla markaana dhibaato kale aan deegaanka loo horseedin, isagoo xusay Ugaasku inay u direen odayal kasoo jeeda labada dhinac ee wax kala gaareen isla markaan xal loo raadinayo sidii arinta loo dajin lahaa.

“Wixii dhintay allaha u naxariisto waxaa deegaanka ka dhacday dhacdo lama filaan ah oo deegaanka iyo dadka qorshe u yaalay ahayn meeshii marka waa la isku howlan ama Maamulkii ha ahaado ama dadkii waxgaradka iyo dhinacyadii wax kala gaareen waxbayna ka qabteen hadda wixii hore oo dhacay maahane xaaladu waa dagantahay” ayuu yiri Ugaas Axmed Barre Cali “Taakoy” Ugaaska beelaha sade Bari ee gobolka Galgaduud.

Ugaaska ayaa ugu baaqay Siyaasiyiin iyo Xildhibaanada dowladda ku jira ee deeganadaasi kasoo jeeda inay tagaan goobihii wax ka dhaceen isla markaana ay wax ka qabaan sid meesha looga saaro markale inay soo noqoto dhibaatadaasi.

Sidoo kale wuxuu Dowladda Soomaaliya ku dhaliilay doorkeedii ku aadanaa wax ka qabashada arumaha deegaanka ka taagan inay ka gaabisay isagoo taasi ku micneeyay isbadalka dhinaca Xukuumadda, wuxuna ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha Cusub Mudane Cabdiwelli Sheekh Axmed inuu deegaanka u diro Wafdi dhex dhexaadiyaha beelaha.

Ugu danbayntii ayuu Ugaasku ka warbixiyay xaaladu imika sida ay tahay isagoo tibaaxay odayaasha labada dhinac iyo golaha guurtida beelaha Sade inay ku guulaysteen xabad joojin in la sameeyo, balse wuxuu shaki galiyay xabad joojintaasi mudada ay shaqayn doonto.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warka Ugaaska Mobilkaaga…

Dhageyso Wareeysiga Ugaaska Beesha Sade Bari

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com