Dhageyso: R/wasaarihi Hore Ee Soomaaliya Prof. Cali Khaliif Galayr Oo Ka Hadlay Xaalada Dalku Marayo.

0

cali khalifMuqdisho (AGGM): Prof Cali Khalif Galayr Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya kana kamid ah Xildhibaanada dowladda Federalka Soomaaliya ayaa Wuxuu Si Adag Uga Hadlay golaha Wakiilada Puntland ee dhawaan lagu dhawaaqay kuwaasoo ay ku jiraan Xubno Faroole Soo Xushay, sidoo kale wuxuu ka hadlay arimaha Ra’iisul Wasaaraha cusub iyo Xukuumadda uu soo dhisi doono.

Cali Khalif Galayr ayaa sheegay deeganada Khatumo inay leeyihiin maamul goboleed lamid ah kan Puntland isla markaana aysan suura gal ahayn Xildhibaano wakiilo ka ah deeganada SSC inay kusoo biiraan Puntland.

Wuxuu sheegay January 2012kii inay samaysteen deeganadaasi Maamul goboleed Khaatumo la yiraahdo kaasoo dadka deeganadaasi aayahooda danbe uga tashanayaan isla markaana Puntland ayan waxba ugu jirin tan iyo wixii xiligaasi ka danbeeyay sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Cali Khaliif ayaa si kulul uga Hadlay siyaasiyiinta deeganadaasi kasoo jeeda ee doonaya inay kamid noqdaan mamulka Puntland isagoo Tibaaxay Ayaan daro inay tahay dadka deeganadaasi kasoo jeeda inay ilaawaan sida uu hadalka u dhigay Xasuuqii uu inna Faroole ka gaystay Taleex Bishii November 28 sanadkii tagay.

Dhanka kale Prof Cali Khaliif Galayr ayaa waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha cusub inuu la kulamay dhowr jeerna telefoonka ay ka wada hadleen isla markaana uu siiyay Talooyin Muhiim ah, isagoona geesta kale sheegay Madaxwaynaha Soomaliya wax la tashi ah inuusan la samayn balse uu ku qanacsanyahay Ra’iisul Wasaaraha uu soo magacabay oo sida uu sheegay ah nin karti iyo aqoon leh.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Ali Khalif ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay qaabkii Xukuumadii hore Xilka looga qaaday isagoo tibaaxay ayaan daro inay tahay Wasiiro doonayo Guddoomiyahoodii in xilka laga qaado haddana dadku ay isla Wasiiradaasi leyihiin waa kuwii Xukuumada Fashiliyay.

Wuxuu xusay arinta soo celin Wasiirada Hormuudka u ahaa riditaanka Xukuumadii hore inay keeni karto Baarlamanka Soomaaliya inuu u diido codka kalsoonida golaha uu soo dhisi doono Ra’iisul Wasaare Cabdiwelli Sheekh Axmed.

Isku soo wada duuboo  Prof Cali Khaliif Galayr marka laga soo tago Dowladii uu Hogaminayay Allaha U Naxariistee Marxuum Maxamed Siyaad Barre in Xukuumadaha Soomaaliya intooda badan Dastuuradii ay ku shaqaynayeen qeexayeen awooda labada Hay’addood.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warka Prof Cali Khaliif Mobilkaaga…

Dhageyso Wareysiga Prof Cali Khalif

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com