Kismaayo: Axmed Madoobe Culumada iyo Odayaasha Ha is Diiwaan Galiyaan hadii kale Waan leeyn doonaa.

0

etKismaayo(AGGM): Horjoogaha Maleeshiyaadka Raas-kambooni ayaa ku Amray Culumada iyo Waxgaradka Ku nool Magaalada Kismaayo in ay si Ded-Deg ah ay isku soo Diiwaan galiyaan.

Dagaal ooge Axmed Madoobe ayaa sheegay in Falalka Amaan daro ee ka dhacaya Magaalada Kismaayo ay qeyb ka qaataan Culumada iyo Indheer garadka ku sugan Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Cidii aan si dhaqso ah aan isku diiwaan galin Tilaabo ku haboon laga qaadi doono arintaasa ay go’aan ku gaareen.

Warka ayaa intaa ku daraya in Amarkaan uu soo baxay kadib markii Horjoogeyaasha Kooxda Raas-kambooni uu Axmed Madoobe la shiray kuna amray in la laayo Culumada iyo waxgaradka hadii aysan qaadan Amarka Maamulkiisa.

Dhanka kale Culumada iyo iyo Odayaasha ku nool Magaalada Kismaayo ayaa walaac ka muujiyey hadalka ka soo yeeray Horjoogaha Maleeshiyadka Raas-kambooni ee ku aadan in la ugaarsado Dadka Bulshada Muhiimka u ah.

Waxaana ay arintaan qeyb ka tahay Caburunta uu Axmed Madoobe ku hayo Bulshada ku nool Magaalada Kismaayo iyo inta ka soo horjeeda Fakarkiisa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com