Qarax Ruxay Magaalada Mombasa Oo Sababay Dhaawaca Ilaa 10 Ruux.

0

mombasaMombasa (AGGM): Warakan ka imanaya magaalada Mombasa ee dalka Kenya, ayaa sheegaya in ugu yaraan 10-ruux ay dhaawacmeen qarax bambaano oo lala eegtay magaalada xeebta ku taal ee loo dalxiis tago.

Weerarka ayaa ka dhacay meel maqaaxi ah oo lagu caweeyo oo lagu magacaabo Tandoori Bar, kadib markii dabley hubeysan ay bam ku tuureen.

Kooxo hubeysana oo wata mootooyin ayaa la sheegay in ay weerarka ka danbeeyeen, iyadoo weerarkan uu dhacay subaxnimadii hore ee saakay oo khamiis ah.

Booliska ayaa sheegay in aanay garaneyn cida ka dambeysa weerarkan oo dhacay xilli loo dabaal degayay sanadka cusub ee 2014.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay sheegatay weerarkan, inkastoo booliska ay sheegayaan in Al-Shabaab ay ka dambeyso weerarkan.

Waxaa jira dad fara badan oo dalxiisayaal ah, kuwaasoo isugu tagay magaalada Mombasa, si ay ugu caweeyaan uguna dabaal degaan sanadka cusub.

Al-Shabaab ayaa weeraro ka geysanayay sanadihii u dambeeyay magaalooyinka Kenya, iyagoo weerarada ugu badan ka geystay Gobolka Waqooyi Bari Kenya, tan iyo markii sanadkii 2011 Ciidamada Kenya ay gudaha u galeen Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com