Baydhabo: Qarax Lagu Dilay Mas’uul Ka Tirsan DF Soomaalia

0

ffBaydhabo (AGGM):Wararka ka imaanaya Deegaanka Goofgaduud ayaa sheegaya in Goor-Dhow Qarax Miino lagu qaarijiyay Guddoomiye ku-xigeenkii Deegaanka Goofgaduud ee Gobolka Baay, C/laahi Cabdi Eenoow.

Qaraxa lagu dilay C/llaahi Cabdi Eenow, wuxuu ahaa Miinada dhulka lagu aaso, taasi oo lagu qarxiyay Maqaaxi oo Gudoomiye ku-xigeenka Goofgaduud uu Saakay Shaah ka cabayay, isaga iyo Ciidamadiisa.

Sidoo kale, waxana uu Khasaaro Dhaawac ah uu kasoo gaaray 3 Askari oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo isaga la socday.

Qaraxa waxa uu ka dhacay Deegaanka Goofgaduud, oo 28 Km u jira Baydhobo,waxaana jirin illaa hadda Cid aka danbaysa Weerarka.

Ciidamo ka tirsan Dowladda oo gaaray Deegaanka, ayaa waxa ay wadaan Baaritaano Xooggan,waxaana dhaawacyada loo soo qaaday Isbitaal ku yaalla Baydhobo,Xarunta Gobolka Baay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com