Dowladda Soomaliya Oo Lagu Eedeyey Inay Ku Fashilantay Amaanka Muqdisho.

0

1222MUQDISHO (AGGM):Xildhibaan C/samad Macalin maxamuud oo hore u soo noqday Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaalia ayaa sheegay in Dowladda Soomaalia ay ku mashquushay Dhanka Siyaasada,oo amaankii ay dayacday.

C/samad ayaa tilmaamay in tan iyo Markii la riday Xukumaddii Dr.Saacid ay Dowladda Soomaalia ay Dayacaad weyn ku sameysay sugida Amaanka Magaalada Muqdisho,waxuuna Xusay in taa badal keeda ay Xooga saartay Dhanka siyaasada.

“ Bilihii ugu danbeeyey Magaalada Muqdisho waxaa ku soo batay,Qaraxyo, Dagaal joogta ah,Dilal qorsheeysan,taasna waxa ay muujinayesaa in la Hilmaamay Amaanka Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Samad.

Xildhibaan C/samad Macalin ayaa ugu baaqay laamaha amaanka dalka in aysan Siyaasada Soomaalia ku lug yeelan islamarkaana ay u soo jeestaan sugida Amaanka.

Hadalka Wasiirkii hore ee Amniga C/samad ayaa imaanaya xili Xalay Hottel ku yaala Magaalada Muqdisho ay ka dhaceen Qaraxyo Ismiidaamin ah oo Qasaare Dhaliyey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com