Dhageyso: Shariif Xasan Oo Wejigi Hore Badalay Weji Cusubna La Soo Baxay.

0

sakiin111Muqdisho (AGGM): Dhowaan ayay ahayd markii guddoomiyihii hore ee baarlamanka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan uu kasoo horjeestay qaabka ay wax wadaan siyaasiyiinta dhisaya maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia ee ku shirsan Baydhabo.

Shariif Xasan ayaa diiday in maamulka laga dhigo 6 gobol, uuna ku habboon yahay kaliya 3 gobol oo kala ah Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose.

Taasi waxa ay xiisad ka dhex dhalisay Shariifka iyo siyaasiyiin kale oo reer Baydhabo ah oo uu ka mid yahay afhayeenkii hore ee Baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe.

Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa haddana hadlay waxa uu sheegay inuu si buuxda ugu faraxsan yahay shirka weli socda.

Shariif Xasan ayaa waxa uu beeniyay inuu jiro wax khilaaf ah oo u dhexeeya isaga iyo siyaasiyiinta kale ee isku haya arrimaha shirka isagoo tilmaamay natiijooyin wanaagsan inay kasoo bixi doonaan shirka Baydhabo.

Isku soo wada duuboo Shariif Xasan ayaa soo hadal qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan deeganada Jubbooyinka iyo qaabka shirka loo maaraynayo.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warka Shariifka Mobilkaaga…

Dhageyso Warka Shariifka

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com