Dhageyso: Saraakiil Ka Tirsaneyd Ciidamada Booliiska Oo Ku Geeriyooday Weerarki Hoteelka Jasiira.

0

MadaaleMuqdisho (AGGM): Gen. Max’ed Yuusuf Madaalle oo ah afhayeenka ciidamada booliiska dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho ku dhinteen taliyayaashii saldhigyada booliiska degmooyinka Wardhiigley iyo Shangaani ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka ayaa sheegay in taliyayaasha iyo ciidamo kale ay ka mid ahaayeen dadkii u soo gurmaday Hotelka, kadib markii uu dhacay qaraxii hore ee ismiidaaminta ahaa, waxaana uu tilmaamay in tirada dhaawacyada uu gaaro ilaa 37 ruux oo 15 ka mid ah dhaawacyada ay culus yihiin.

“Qaraxii hore waxaa ku dhintay afar askari, kii labaad waxaa ku dhintay labo sarkaal, dhaawacuna waxaa uu gaarayaa 37 ruux oo 15 ka mid ah xaaladooda ay liitaan, labada sarkaal ee goobta ku dhintay waxay ahaayeen Taliyaasha saldhiga booliska degmooyinka Wardhiigley iyo Shingaani oo goobta u soo gurmaday”ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Qaraxa labaad ee lagu weeraray hoteelka ayaa dhacay nus saac kadib markii qaraxii hore uu dhacay, waxaana uu yimid markii ciidamo isugu jiray Boolis iyo Nabadsugid ay soo buuxiyeen banaanka hotelka oo ay gurmad ahaan u yimaadeen, hase ahaatee gaari waxyaabaha qarxa ka buuxa oo banaanka hore ee hotelka yaalay uu qarxay.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…

Dhageyso Warka Afhayeenka Booliska

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com