Dhageyso: Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Digniin Culus Loo Jeediyay.

0

top-newsKismaayo (AGGM): Horjooge Maxamed Faarax Darwiish, ayaa ka hadlay isqab-qabsi dhanka dhulka ah oo ka jira Magaalada Kismaayo, kaasi oo ay raad ku leeyihiin maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii Maleeshiyada Raaskambooni ay gudaha usoo galeen magaalada Kismaayo waxaa Magaalada kusoo badanayey dadka isku haysta guryaha, iyadoo Horjoogaha uu sheegay in maleeshiyadooda qaarkood ay ilaaliyaan dhulal la isku haysto, taasi oo uu ku tilmaamay mid aan shaqadooda aheyn.

Wuxuu sheegay Horjooge Darwiish inuu bilaabanayo howlgal ka dhan ah askarigii lagu arko isaga oo ilaalinaya dhul la isku haysto in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaado, isaga oo amar usiiyay maleeshiyada kale inay tallaabadaasi qaadaan.

Horjooge Darwiish, ayaa dhanka kale sheegay in afduubyo ka dhacayay Magaalada Kismaayo loona geesanayay dadka guryahood la dhacayo ay ku lug leeyihiin maleeshiyo ka tirsan kuwa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo uu ku tilmaamay calooshood ushaqeystayaal.

Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Kismaayo ayuu amar ku siiyay inay gacan adag ku qabtaan askarigii ay ku arkaan isaga oo taagan wadooyinka dhexdiisa oo ay tallaabo ka qaadaan.

Isku soo wada duuboo ammaanka magaalada Kismaayo ayaa ah mid faraha ka baxay, ayaa sababay in qof walba uu doonayo inuu shaciyeysto dhul uusan lahayn.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…

Dhageyso Digniinta Maleeshiyada Raaskambooni

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com