Maqaal:Madaxweynaha, R/wasaaraha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Naguma Qancin Kartaan In Aad Soo Celisaan Wasiiradii Fashilmay Ee Saxiixay Mooshinka.

0

cali-dacuun1Sanad Wanaagsan, Muqdisho, 1 January 2014——–Waa wax ka baxsan siyaasadda, nin yiri waxba waan qaban waayey, wasaaradeyduna wey fashilantay maantana waxaan rabaa in MUDANE MADAXWEYNE IN AAD IGULA DADAASHO sidii aan uga mid noqon lahaa golaha wasiirada cusub, arrintaasi haddey dhacdo, waxay yeelan doontaa FADEEXAD IYO FOOL XUMO, ku reebta madaxda ugu sareysa dalka.

Ra’iisul wasaaraha cusub, waxaan u iftiiminayaa inay jiraan beelo ka qaday saamigii baarlamaanka, haddii aad ugu darto saamigii golaha Fulinta, waxaad u muuqaneysaa qof aan xeerin CADAALADDA, weliba beesha DAAROOD Mas’uuliyadda adiga ayay ku saaran tahay, beelaha kalena waxaad u tahay mas’uul ay saaran tahay xilkii wasiirka kooowaad.

Ra’iisul wasaarayaashii kaa horreeyay, waxay wax weydiin jireen odayaasha, siyaasiyiinta, haddii aad kelidaa go’aan gaadhid oo aad ku jowr fashid beelaha dulman iyaguna go’aankooda ayey yeelan doonaan.

Dalkani uma baahna cadaalad darro, maxaa yeelay waxa uu la dhismi la’ yahay waa cadaalad darro, iyo dastuurka oo aan lagu dhaqmin, HOWGA SII DARIN, waa iga TALO SIYAASI.

Umadda Soomaaliyeed, waxay isha ku heysaa waxa kaa soo bixi doona, magacaabista golaha wasiirada, laba midkood ayey noqon, wax kaa soo baxay oo aan laheyn FARA GELIN, ama waxay noqoneysaa (LIIS LAGUU DHIIBAY), ka dibna aad ku dhawaaqday, taasina waa guul daridaada.

Taariikhda Soomaalida, waxaa baal dahab ah ka gashay Gabadha la yiraahdo YUSUR kolkii ay aragtay foolxumadii ka jirtay BANGIGA DHEXE, hanjabaad iyo canaan ayaa laysugu daray, waxayna qaadatay go’aan adag oo ah WAAN ISCASILAY.

Taariikhdu waxay ku tilmaamtay YUSUR inay ahayd WADANIYAD aan laheyn dan gaar ah, oo ka baxsan inay umadda soomaaliyeed u ilaaliso hantideeda.

Waxaa lagaa filayaa Ra’iisul Wasaare SADDEX qodob, waana sidan hoos ku qoran:

1- Inaanay soo noqon Raggii dumiyay Xukuumaddii ay ka midka ahaayeen.

2- Cadaalad inaad wax ugu qeybiso beesha aad ka soo jeedid (DAAROOD), maadaama kursiga aad ku fadhidaa uu yahay (POWER SHARING).

3- In awoodda FULINTA aadan qofna uga hamran, ee aad yeelatid magacaabista golaha Wasiirada, Haddiii kale aad dhiibto ISTIQAALAD, si aad taariikhda u gashid.

Ma filaayo inay BAAHI ku heyso, u maleyn maayo inay shaqo la’aani ku heyso, waa inaad xeerisaa, ixtiraamtaa taariikhdaada oo aad ka fakarto inaad ku qorantid taariikhda aan beenta sheegin, haddii kale waxaad u muuqan doontaa nin u oomman xukun iyo dhaqaale urursi, taasina waxay u dhimi doontaa SUMCADAADA NOLOLEED.

Khabiir Siyaasadeed

Cali Daacuun
kheyreps@gmail.com

Fiiro Gaar Ah: Qoraalkan Waa fikirka qoraha marnaba kama turjumayo fikir Warbaahinta Allgalgaduud Media waxii dhaliil ah ama amaan ah fadlan kala xiriir qoraha emailkiisa kheyreps@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com