Top News: Dagaal Xalay ka Qarxay Magaalada Muqdisho

0

1233Muqdisho (AGGM): Ciidamada Dowladda Soomaalia iyo Kooxda Al-shabab ayaa xaya ku dagalamay Qeybo  kamid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaalia.

Dagaalka ayaa ka Dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha Ee Degmada hiliwaa sida ay Dad Goobjoogeyaal ah Noo Xaqii jiyeen ,ayadoona uu Geystay Qasaare kala Duwan.

Daryanka Madaafiicda ayaa xalay laga maqlayey Xaafadaha Magaalada Muqdisho kuwaasi oo is weydaarsanayaan Ciidamada isgarabsanaya iyo Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab.

Waxaana jira qasaare labada dhinac kala soo gaaray iyo dadka rayidka ah ee lagu dul dagaalamay, inkastoo aan si dhab ah loo sheegi Karin tirada dadka ku dhintay dagaalkii xalay.

Dhinaca kale dagaal mudo kooban socday ayaa isna xalay ka dhacay Xaafada Gubta ee Degmada Deyniile kaasi oo fariisimo Ciidamada Dowladda ay ku soo qaaden Kooxda Al-shabab,saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Degmada Deyniile ayaa sheegay inay iska caabiyeen Maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday wax qasaarana uusan soo gaarin.

Xaafadaha dhaca waqooyiga Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa waxa kusoo badanaya weerarada joogtada ah ay Maleeshiyaadka Al-shabab ka geesanayaan xiliyada habeenkii ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com