Top News: Madaxweynaha Dalka Uganda Oo Fariin U Dirray Madaxweyne Ku-Xigeenkii Hore Ee Dalka Koonfurta Suudaan.

0

MALTA COMMONWEALTH MEETINGKampala (AGGM): Madaxweynaha dalka Uganda oo qeyb ka ahaa madaxdii IGAD ee dhawaan ka wada hadashay xaalada dalka Koonfurta Suudaan, ayaa ugu baaqay madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalkaas in uu nabada qaato.

Madaxweynaha Ugandaoo ciidamo kumanaan gaaraya u diray Koofurta Sudan, si ay u taageeraan ciidamada dowladda ayaa sheegay in wadamada gobolka ay raadsan doonaan Reik Machar hadii uu diido waan waanta nabadeed ee la wado.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalkaas Reik Machar ayaa shuruud ku xiray inuu wada hadal la galo Madaxweyne Salva Kiir, isagoo ugu baaqay in marka hore la sii daayo dadka siyaasada u xiray ee horay wasiiro uga soo noqday dowladda.

Laakiin marka la eego dhinaca ciidamada dowladda ayaa aqbalay baaqa xabad joojinta, hase ahaatee wali waxay dagaalo kula jiraan falaagada taageersan Reik Machar, kuwaasoo dhowaan qabsaday magaalooyin dhowr ah.

Ku dhowaad kun ruux ayaa ku dhimatay dagaalada labo todobaad ka hor ka bilowday Koofurta Sudan, kadib markii 15-ka bishan la fashiliyay afgambi milateri oo la doonayay in xukunka lagaga tuuro Madaxweyne Salva Kiir.

In ka badan 100 kun oo ruux ayaa ka barakacay guryahooda tan iyo intii ay dagaalada bilowdeen, waxaana dadkaas ay xero qaxooti ahaan u galeen saldhiga Ciidamada Nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ku leeyihii Suudaanta Koofureed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com