Top News:Maamulka Degmada Afgooye oo Beeniyey in ay Al-shabaab Soo Weerareen

0

top-newsAfgooye (AGGM): Taliska Booliska Degmada Afgooye oo beeniyay in Al-shabab ay weerar ka geesten Afgooye ee Gobolka Sh/hoose.

Taliya ku xigeenka booliska Degmada Afgooye Cabduqaadir Cismaan Mursal ayaa maanta waxa uu la hadlay warbaahinta waxana uu u sheegay in hadal Al-shabab kazoo yeeray ee ku aadana inay Afgooye weeraren ay waxba kama jiraan ay tahay.

Taliye Ku xigeenka Booliska Degmadaasi ayaa sheegay in iyaga amaanka ay gacanta ku hayeen kaliya waxa dhacay ay tahay shalay galinki danbe oo weerar bam uu ka dhacay gudaha Degmadasi.

Waxuu intaa ku daray Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ladagalami doonaan oo ay wadayaan Dagaalka ay kula jiraan si dalka looga Sifeeyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com