Jaalliyada Wagardhac Ee Beesha SADE Oo Baaq Nabadeed Oo Ku Wajahan Joojinta Colaadda Waqooyiga Galgaduud Soo Saaray.

0

Baaq NabadeedKU: Odayaasha beelaha Maxamed Amaanreer/Wagardhac iyo Celi

KU: Odayaasha iyo cuqaasha beesha SADE

KU: Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed

KU: Madaxweynaha jamhuuriyada federalka ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud

KU: Xildhibaanada beesha SADE

KU: Ugaaska beesha SADE

KU: Dhamaan Culumaa’udiinta Galgaduud
UJEEDO: BAAQ NABADEED KU SAABSAN JOOJIN COLAADEED
Bismillahi Raxmani raxiim, Asalaamu Calaykum waraxmatullahi wabarakatuhu
Anagoo ah odayaasha, cuqaasha, aqoonyahanada, haweenka iyo dhalinyarada ku abtirsada beesha Maxamed Amaanreer ama wagardhac ee beelweynta SADE oo ay magacyadooda hoos ku xusanyihiin , kana mid ah jaaliyadaha SADE ee qaarada YURUP waxaan si aad iyo aad ah uga tiiraanyeysanahay colaada ka dhex aloosan beelaha walaalaha ah ee Wagardhac iyo Celi ee waqooyiga Galgaduud. Waxaanu ku baaqaynaa in si deg deg ah loo soo afjaro dhacdooyinka foosha xun ee ka dhexdhacdaya labada isir ee walaalaha ah, ee isku isir, dhiig, dheecaan iyo isku degaanba ah.
Anagoo oo ka tiiraanyaysan dhacdooyinka ku salaysan aanooyinka ka dhashay dilkii Allaha u naxariistee ganacsade Shuke Cagarog iyo dadka kale ee lagu dilay aanooyinkaas ayaa waxaa haddii aanu nahay Jaalliyada beesha wagardhac tacsi u diraynaa dadka ehelka iyo qaraabada ah ee ku dhintay colaadaas nasiib darada ah, waxaanu leenahay in illaahi wa inaa illahayhi raajucuun, samir iyo iimaan eebbe ha inaga wada siiyo. Inta dhaawaca ah waxaanu illahay uga baryeynaa in uu siiyo caafimaad deg deg ah.
Gabogabadii waxaanu u soo jeedinaynaa in dhammaan beelaha walaalaha ah ee waqooyiga Galgaduud ay ilaaliyaan ehelnimada, midnimadooda iyo wadajirkooda maadaama ay ku amaanaayeen in deegaankooda ay ka dhigeen mid kamid ah deegaanada ugu amniga wanaagsan guud ahaan Soomaaliya.
Baaqa waxaa diraya dadka hoos ku xusan:

 

1. SULDAAN.CADCEED ABDI WACEYS

2. EX /XILDHIBAAN COL. JAAMAC GUURE

3. MADXWEYNE KU XIGEENKA SOMAALI CENRTAAL STATE, DR MOHAMED XAYIR

4. GUDOOMIYE,JAALIYADA UK BASHIIR SHEEKH AADAN DIRIR

5. COL FAARAX MOHAMED WARSAME/ FAARAH DHEERE

6. NABADOON /MOHAMED SHEEKH MOHAMUUD

7. GUDOOMIYE,JAALIYADA UK BASHIIR SHEEKH DAAHIR DIRIR

8. UGAAS, HASSAN SHIRE JAAMAC/ CIYAARJECEL

9. MOHAMUD ABDI XIRSI

10. NABADOON MURSAL SHEEKH MOHAMED WARFAA

11. ABWAAN HUSEEN SHIRE JAAMAC/ CIYAARJECEL

12. ABDIRASHIID HANOOLAATO

13. SICIID HAW HAWLE

14. DR.ABDIHAKIM ABDULAHI GUURE

15. HASSAN SHEEKH MOHAMUD

16. MOHAMUD HUSSEIN CALI DAAD

17. MOHAMED ODAWAA

18. ABDIDEEQ CIISE XODAY

19. DR/ABDIRAHMAAN MOHAMED IRBRAAHIM/ BOOLOOW

20. YAASIIN AXMED GOONWEYN

21. ABDIRAHMAAN HASSAN FAARAX SANCAANI

22. DR/WARSAME JAAMAC GUURE

23. ALI MIRE SIYAAD

24. NABADOON.ABDI RAHMAN MASLAX DAAD

25. DHAHIR BICIRO

26. SACIID ABDI RUUJAC

27. MOHAMED HUSSEIN OOMAAR

28. ABDICASIIS MULUB

29. DIRIYE ABDI HAASHI

30. HUSSEEN LUGCAD

31. ALI QEYLAWEYNE

32. MOHAMUUD XARAWO

33. MOHAMUD OSMAAN AADAN

34. ABDIRASHID MOHAMED YUSUF

35. ABDIKHAFAAR HIRSI

36. DEEQ ABDISALAN SOWNAX

37. HUSSEEN SEYNLE DAAD

38. DR,AHMED KAAFI ABDULLAHI DIINI

39. DR.MOHAMUD ABDINUUR

40. CABDIXAKIIN YAASIIN MAXAMUUD

WA BILLAAHI TAWFIIQ.

Cabdixakiin Yaasiin Maxamuud/Filiqeey

Antwerpen, Belgium

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com