Gudoomiyaha Ururka SDSI Oo Baaq Nabadeed Diraya iyo Fariin Uu U Dirayo Xildhibanada Waqooyiga Galgaduud.

0

sdsi logoGudoomiyaha Ururka SDSI Mudane Cabdiqani Sh Cali Diini ayaa waxaa u maanta Xafiskiisa ka soo saaray Baq nabadeed oo lo dirayo beelaha ay xisadodu ka tagan tahay Waqooyiga gobolka Galgaduud.

Gudomiyaha ayaa ugu horeeyn ka tacsiyeeyay Geridii naxdinta lahayd ee ku timid Ganacsade Shuke cagaroog waxaana uu sheegay in ganacsade Shuke u ahaa Masul inta badan ka shaqeeya Hormarka Gobolka.

Gudomiyaha SDSI waaxaa uu ugu baqay beelaha in ay is xakameeyaan oo ay nabada deegaanka ka hormariyaan wax kasta.

Gudomiyaha ayaa waxaa u intaasi ku daray in Ururka SDSI u xiriir jogta ah la sameyay Maamulka Dagmada Caabudwaaq Odayaasha Guurtida Beesha Sade iyo wax garadka labada dhinac waxaana uu sheegay in dhamaan dhinacyadaasi kala hadleen sidii nabad logu dhamayn lahaa xisadan.

Gudomiyaha Ururka SDSI Mudane Cabdiqani Sh Cali Diini waxaa uu sheegay in ururka SDSI u diyaar u yahay in uu qayb libaax ka qaato dhamaynta arinkaan hadi ay ahan lahayd mid tasiiladka lo bahan yahay ah iyo mid Farsamo ba.

Ugu danbeyn Gudomiyaha SDSI Waxaa uu ugu baqay Xildhibaanada Barlamanka Somalia ugu jira Waqooyiga Galgaduud Siyaasiyiinta kale ee Gobolka Qurba jogta gobolka ka soo jeeda in ay dhamaan u guntada so afjarida xiisadan oo ah mid hada wax ka qabasho leh.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com