Dhageyo: Suxufiyiin Dacwad Kadhan Ah Maleeshiyo Beeleedka Raaskmabooni U Gudbiyay R/Wasaare C/weli Sheekh.

0

WarbixinMudisho (AGGM): Waxaa Dhawaan lagu xiray magaaladda Kismaayo ee Xarunta Jubbada Hoose Laba Wariye oo lagu kala Magacaabo Aadan Kismaayo, Xiis iyo Nasteexo kuwaas oo kamid ahaa Wariyaasha ka hoowlgala magaalada kismaayo Waxaana xabsiga u taxaabay Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee waloow xabsiga laga si dayeey mid kamid ah.

Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed Maxamed Ibrahim Pakistan oo Saxaafada la hadlay ayaa ku eedeyeey maamulka jubba caburanta ay ku hayaan saxaafadda isagoona tilmaamay sanadkaan gudihiisa Kismaayo in lagu xiray ilaa ku dhawaad Toban Saxafi tiro intaasi badana ay iskaga carareen sida uu shegay Bakistaan.

Isku soo wada duuboo Maxamed Ibrahim Pakistan Waxa uu ka Codsaday Ra”iisul Wasaaraha Cusub ee soomaliya Mudane C/weli sheekh in uu wax ka qabto dhibaatada lagu hayo Saxafiyiinta Soomaaliya, isagoona Docda kale tilmaamay deeganada Jubbooyinka maamulkodu inuu hoostago dowladda wixii ay khalad sameeyaana lagula xisaabtamayo dowladda dhexe.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…

Dhageyso Warka Suxufiyiinta

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com