Dagaal dib uga qarxay magaalada Boor ee Dalka Koonfurta Sudan.

0

aaaJubba(AGGM):Gabanatooraha magaalada Boor ayaa sheegay in ciidamada Koonfurta Sudan ay dagaal la galeen falaagada ku kacsan xukuumada dalkaasi maanta oo Talaada ah iyadoo ay soo dhowdahay waqtigii ay dowladaha Bariga Afrika ay u qabteen falaagadasi inay xabada ku joojiyaan.

Nhial Madjak Nhial gudoomiyaha magaaladasi ayaa wakaalada wararka Reuters qadka telfoonka ugu sheegay in degaanada magaalada Booor oo fogaan 190-km kaga began caasimada dalkaasi dhanka waqooyi waxa ay ciidamadab kula dagaalamayaan falaagada hubaysan ee dowlada ka horjeeda.

Masuulkasi ayaa shegay in isaga uu ku sugan yahay goob aan sida uga sii fogeeyn uu dagaalka ka soconayo.

Dagaalka ka socda Koonfurta Sudan ayaa soo bilawday 15-kii bishaani waxa dowladaha Bariga Afrika ay ugu baaqen maleeshiyaadka uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Riyak Mishar inay u hogaansaman xabad joojinta dalka looga dhawaaqay hadii kale ay wadamadas faragalin ku sameen doonan xaalada dalkasi ka taagan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com