War Cusub: Ciidamada Dowladda Ee Magaalada Marka Oo Dilay Hal Maxbuus Mid Kalena Dhaawacay.

0

xabsiMarka (AGGM): Guddoomiyaha Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose Maxamed
Cusmaan Yariisoow, ayaa ka hadlay labo ruux oo uu sheegay inay maxaabiis ahaayeen oo iskudayay inay baxsadaan, kadibna la toogtay mid kamid ah.

Maxamed Cusmaan Yariisoow, wuxuu sheegay in labada ruux ay ahaayeen maxaabiis Saldhiga ku xiran, saakayna ay isku dayeen inay ka baxsadaan Saldhiga Degmadaasi.

Wuxuu sheegay in mid kamid ah ragii maxaabiista ahaa ciidanka ay dileen midkalena ay dhaawaceen oo hada dhaawaciisa lagu dabiibayo isbitaalka Magaalada Marka.

Labadan ruux ayeey ciidanka soo xireen shalay, kadib markii ay dhaceen lacag gaaraysa afar milyan oo shilinka Soomaaliga ah oo ay ka dhaceen ruux ganacsade ahaa oo Marka ku sugan.

Maamulka Magaalada ayaa ku dadaalaya ammaanka Marka, iyo kahortaga falalka lidiga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com