Top News: Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka Oo La Kulmay Haween Ka Socday Maamulka Gobolleedka Puntland.

0

Mudane-Jawaari-466x350Muqdisho (AGGM): Guddoomiyaha baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya Prof.Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari),ayaa ku amaanay haweenka Puntland awooda ay u leeyihiin ka qeyb-gallka siyaasada.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaadanayey xubno la sheegay inay ka socdeen howeenka Puntland,kuwaaso uu shalay xafiiskiisa ku qaabilay.

Mid ka mid ah haweenkii uu la shiray Pro Jawaari oo lagu magacaabo Sahro Siciid oo ah sida ay sheegtay guddoomiyaha ururka haweenka Puntland,ayaa hadal ay siinaysay warbaahinta ku hadasha afka dowladda waxaa ay kaga hadashey kulanka ay la qaateen guddoomiyaha,waxaana ay soo hadal qaaday in kulan muhiim uu ah ay la qaateen guddoomiyaha ayna kaga wada hadleen arrimo la xiriira haweenka Soomaaliyed iyo doorka ay ku leeyihiin ka qey qaadashada fursadaha ka banaan dalka oo ay siyaasadu ugu mugweyntahay.

Sidoo kale Sahro Siciid ,waxaa ay sheegtay inay horrey isku soo arkeen raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Jamhuuradda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud,waxaana ay sheegtay in dhamaantood ay ka hadleen danaha haweenka Soomaaliyed gaar ahaana kuwa reer Puntland.

Sidoo kale waxaa kulnaka soo dhaweeyey gudoomiyaha baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu la kulmo xubno haween ah oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

“Waxaan ka wada hadlanay qodobo aad muhiim u ah oo ay ugu horreyso in la maqlo codka haweenka iyo arrimaha mustaqbalka ay kaga qeybgeli karaan hoggaaminta maamulka iyo maareynta siyaasadda dalka, iyagoo usii tabaabusheysanaya in xuquuqdooda si qaanuuni ah uga qeybgalaan, arrimo badan oo muhiim ah ayeey igu baraarujiyeen taasoo aan balan qaaday inaan gaarsiiyo golaha shacabka’’ Sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com