Top News: Dowladda Itoobiya Oo Sheegtay In Ay Adkeyneyso Xiriirka Kala Dhaxeeya Dowladda Soomaaliya.

0

ethiopia-flagMuqdisho (AGGM): Safiirka dalka Itoobiya u fadhiya dalka Soomaaliya Wondimu Asaminew ayaa sheegay in ay sii ballaarinayaan xiriirka Itoobiya kala dhaxeeya Soomaaliya.

Safiirka wuxuu sheegay in haatan uu waji cusub u furmay xiriirka ka dhaxeeya labada dal, loona baahan yahay in la sii ballaariyo.

Asaminew wuxuu tilmaamay in wanaajinta xiriirka labada shacab iyo labada baarlamaan ay door muhiim ah ka ciyaari karto saaxiibtinimada labada waddan.

Dowladda Itoobiya, waxaa dalka Soomaaliya ka jooga kumanaan ciidamo ah kuwaa oo dagaal kula jira kooxda Al-shabaab oo ku xiran urur weynaha A-qaacida, waxaana ay ciidamada Itoobiya ka howlgallaan qaar ka mid ah gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Hadalkan ayuu ka sheegay mar uu shalay qado sharaf u sameeyay wafdigii Soomaaliya uga qeyb-galay xuska qowmiyadaha Itoobiya oo dhowaan lagu qabtay magaalada Jigjiga ee xarunta is-maamulka Soomaalida Itoobiya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com