Dhageyso: Falaagada Al Shabaab “Shacabka Haka Fogaadaan Xarumaha Dowladda Iyo AMISOM”.

0

cali maxamedMuqdisho(AGGM): Falaagada argagixisada ah ee Al-shabab ayaa war ka soo baxay waxaa fariin loogu dirray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo ay ugu baaqeen in ay ka fogaadaan ama aysan ka agdhawaan xarumaha dowladda iyo AMISOM.

Kooxda Al-shabaab ninka wakiilka uga ah gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Cali Max’ed Xusseen ayaa sheegay in meel walba ay ku u-gaarsan doonaan wax uu ugu yeeray cadawgga. isagoo u jeediyay shacabka inay ka cararaan baabuurta meelaha ay taagan yihiin iyo xarumahooda.

“Waxaan leenahay shacabka mar walba ka fogaada xarumaha dowladda iyo AMISOM, waayo xili kasta annaga bartilmaameed ayeey inoo yihihiin,’’ ayuu yiri Cali Max’ed Raagge.

Waxaa uu intaa iu darray in weeraro habeenadii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho ay qasaare ku gaarsiiyeen, isagoo tilmaamay in magaalada Muqdisho aanay isu gudbi karin magaalada habeen iyo maalin.

Mar uu soo hadal qaaday ciidamada la soo kordhinayo ee AMISOM ka socda ayuu sheegay inay qasaare u geysan doonaan si la mid ah kuwa hada dalka jooga, waxaana uu carabka ku dhiftay in cadawga banaanka uga soo baxay dhufeysyadii uu ku jiray, taasna ay u sahleyso inay qasaare ballaaran gaarsiiyaan.

Hadalkan ka soo yeeray Wakiilka falaagada Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir ayaa ku soo aadaya, iyadoo falaagada Al-Shabaab mudooyinkii u dambeeyay weeraro ka geysaneysay magaalada Muqdisho, waxaana weeraradaas ka mid ahaa weerarkii Maxkamada Gobolka Banaadir ee bishii April ee sanadkan iyo weerarkii 19-kii June ay ku qaadeen Xarunta Qaramada Midoobey.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…

Dhageyso Warka Falaagada Al Shabaab

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com