Dhageyso: Tarsan “Nidaamka 4.5 Ayaa Hormarka Dalka Curyaamiyey”.

0

tarsan1Muqdisho (AGGM): Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday Shalay Muqdisho waxa uu ka hadlay Amniga.

Tarsan oo su’aal hor dhigay Odayaasha dhaqanka gobolka Banaadir sida ay ugu fududaatay hogaamiyaha Al Shabaab Axmed Godane sababta uu amni darada uga abuuro magaalada Muqdisho.

Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay nidaamka Afar beel iyo Bar (4.5) isagoo ku tilmaamay arintaasi mid cuuryaamisay hormarka dalka.

Tarsan ayaa sheegay inay goobaha shaqada la isku geeyo qaraabo ahaan,darajada la isku siiyo ina hebel isagoo ku baaqay in dadka aqoonta leh laga hormariyo kuwa la is xijinayo.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…

Dhageyso Gudoomiye Tarsan Dalka Waxaa Curyamiyeey 4.5

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com