Top News: Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo Ka Dooday Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Soomaalida.

0

Jeylaani-Nuur-IikarMuqdisho (AGGM): Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dooday qodobbo ay ka mid yihiin
qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaalida.

Qaar ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka ayaa soo jeediyay in hay’adda barakacayaasha iyo qaxootiga qaranka aysan ku filnayn shuruucda laga rabo howlaha barakacayaasha iyo qaxootiga.

Guddoomiyaha hay’adda barakacayaasha iyo qaxootiga qaranka Axmed Cabdikariin Nuur oo baarlamaanku ay su’aalo weydiiyeen ayaa sheegay in hay’addu aysan ka shaqeyn arrimaha qaxootiga, balse ay ku shaqo leedahay dadka barakacayaasha ah iyo qaxootiga ajnabiga ah ee ku nool dalka.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa shir guddoominayay kulanka maanta.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com