Maqaal:Cali Daacuun “Soddon Xildhibaan Waa In Lagu Daraa Golaha Baarlamaanka, Haddii Kale Waa In Lagu Qeybsadaa Golaha Wasiirada 4.5”.

0

cali-daacuunMuqdisho, 28 Dec 2013 Umaddu, waxay ku heshiiso waa SHARCI, shirkii carta, waxaa lagu heshiiyay in wax lagu qeybsado 4.5,  sidaas ayaa Baarlamaanku, ku noqday 275-xubin, haddii la rabo in Golaha Wasiirada lagu qeybsado 5-beelood, waa in 30-xildhibaan lagu daraa Golaha Baarlamaanka, ka dibna lagu qeybsadaa Golaha Wasiirada 5-beelood oo siman.

CUTUBKA SIDEEDAAD, LAANTA FULINTA QODOBKA 100-AAD XILKA IYO AWOODDA RA’IISUL WASAARAHA:

(e) Horgeynta Golaha Shacabka xubnaha golaha Wasiirada iyo barnaamijka xukuumadiisa si ay u siiyaan kalsooni.

Qodobkaas kor ku xusan mudanayaashu wey JABIYEEN sanad ka hor, markii loo magacaabay Wasiirka 1aad Dr. Saacid, waxayna ansixiyeen KELIGIIS, kadibna waxay ansixiyeen Golihii Wasiirada oo ka kooban 10-wasiir.

Ujeedada aan u soo qaatay qodobkan waxa weeye, inaan u iftiimiyo Umada Soomaaliyeed meesha aynu ka bur-burray inay tahay Baarlamaanka, waxaana sababteeda yeelan doona, Madax dhaqameedyadii soo xulay iyo mudanihii ku dhaartay dastuurka oo gacan bidixeeyay mas’uuliyaddiisii.

Waxaa hadda yimid Ra’iisul-wasaare cusub, waxaa looga fadhiyaa inuu dhowro dastuurka, soona dhiso xukuumad uu aaminsan yahay, oo wixii ay xumeyso lagula xisaabtamo.

Haddii Xukuumadda Cusub ay noqoto mid lala wadaago ama lagu farageliyo magacaabisteeda, waxaa soo bixi doona khilaaf siyaasadeed iyo Soomaaliya oo sii kala quusata. Loona arko inaan Banaadir waxba ka soo dhoweyn ee yaan wakhti leyskaga lumin MUQDISHO.

Soomaaliya waxay la’dahay hoggaamiye dhowra dastuurka, kana fogaada EEX, QABYAALAD, DHAQAALE URURSI, inta hoggaankaas uu meesha ka maqan yahay sida ay maanta tahay, si ka liidata ayey ku danbeyneysaa, Umaduna wey isasii nici doontaa, maxaa yeelay meel MA DHALAYS ah oo aan wax horumar ah ka imaneyn qofna dhowri maayo inuu sii joogo.

Waan hubaa in Muran siyaasadeed uu ku soo waajahan yahay, umadda Soomaaliyeed, murankaas oo ka dhex dhalan doona kooxda yar ee Urur Diimeedka ah, ee ku xeyn-daaban Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaarha cusub, ee aan weli shaqo bilaabin; Maxaa yeelay waxaan aad iyo aad u aqaanaa Madaxweynaha iyo saaxiibadiis, sida ay u fakarayaan siyaasiyan, iyo hadda waxa ay ka rabaan Xukuumadda Cusub, iyagoo ku fashilmay xukuumaddii hore ee ay ka midka ahaayeen.

QOF waa dhintaa laakiin ma fashilmo, siyaasiyan waxaa fashilma XUKUUMAD, URUR, ama XISBI, laakiin Taariikhda waa ku ugub Ra’iisul-wasaarihii hore ayaa fashilmay, Wasiiradiisiina ma fashilmin, iyagoo weliba la soo eedeeyay, waa arrin taariikhda noolaha ku cusub, LAGANA QORI DOONO BUUGAAG LOOGU MAGAC DARAY XAMAR YAA KU FASHILMAY?

Khabiir Siyaasadeed

Cali Daacuun
kheyreps@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com