MAQAAL: Caynaanshaha Madaxtooyada Cabdiyada (CMC). W/Q Ahmed A. Ali

0

CaynaansheHoraantii Sanadkan aynu ku jirno ee 2013 ka. Anigoo arrimo badan tixgalinaya. Anigoo Sifooyin muhiim ah
xeerinaya.

Anigoo qaadaa dhig, shaandheyn iyo gorfeyn qoto dheer adeegsanaya. Anigoo baadhitaano iyo daraasado ku soo wada koobay Hogaamiyeyaasha ka arrimiya amaba soo maray Gayiga Soomaalidu dagto ee Geeska Afrika, ayaan gaba-gabadii iyo gunaanadkii waxaan si niyad sami iyo kalsooni leh ugu hibeeyey Darajada: Madaxweynenimo – Mudane, Cabdi Maxamuud Cumar (CMC), Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya. Waa Darajo, marka kowaad uu istaahilo una qalmo, marka labaadna uu mutaystay.

Xigasho:

Madaxweynenimadu ma aha Darajo
Cid waliba ku sifoobi karto, haba siteen
magaca hadday doonaane.
Waa wax aad ku mutaysankarto
Sida aad Shacabkaaga ula dhaqanto,
U dhaqdo uguna dhaqdo.
Ahmed A. Ali (2013)

Maanta oo aynu ku jirno dabayaaqadii isla sanadka 2013 ka, waxaan ku sagootiyayaa inaan yara kormaro waxyaabaha hurumarka leh iyo guulihii ugu waaweynaa ee uu Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ka fuliyey Deegaaanka Soomaalida Itoobiya ee uu Madaxweynaha ka yahay.

Walaalow i qaddari oo ha i quudhsan.

Waa erayo ku xardhan wajiyada Bani Aadamka oo idil. Qofka caqligu shaqaynayo, waxaa lagu gartaa oo astaan u ah, erayadaasuu arkaa oo uu ka akhriyaa jaaha ruux kasta oo uu la kulmo.
Sidaasaanuu cidna u quudhsan oo uu dadka u wada qaddariyaa. Isagana lagu qiimeeyaa oo lagu xushmeeyaa.

Ka waxkale shaqaynayaan se, ma arko erayadaa oo indhihiisuba ma qabtaan. Waa ka quudhsada Bani Aadamka uu la kulmo ama uu hogaamiyaha u yahay ee la mid ka ah. Waa ka haba yaraatee aanuu Caqligu shaqaynin. Waa ka ilaawa tii shalay. Waa ka aan garanin ta manta. Waa ka aan filynin ta barrito.

Hogaaminta waxaan u haystey Awood iyo Cudud la isticmaalo, maantase waxaan ogaadey, iney tahay Shacab la socodka.

Mahatma Gandi

(I suppose leadership at one time meant muscles, but today it means getting along with people.)
Mahatma Gandi

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar (CMC) waa Madaxweyne gayiga Soomaalidu ku nooshahay ee geeska Afrika taariikhdiisa baal dahaba ka galay. Waa Madaxweyne Cis, Mudnaan, Maamuus iyo sharafba huwan. Waa Madaxweyne magac iyo miisaan ku dhex leh Bulshooyinka ku hadla Afsoomaaliga, meel kasta oy dunida kaga noolyihiin.

Wuxuu u hayaa Shacabkiisa Qadarin aan habayaraatee Quudhsi lahayn. Isagoo marwalba dhex socda Shacabkiisa. wuxuu la fadhiistaa oo xogwareystaa Shacabkiisa, si uu u ogaado dhibaatooyinkooda iyo baahidooda u baahan wax qabad iyo in la daboolo.

Waa Madaxweyne u gargaara shacabkiisa kuligood, gaar ahaan, Waayeelka iyo Dhalaanka.
Waxaad arkaysaa isagoo ku foorara oo gacmaha iyo garbahaba haya kuwooda jilicsan.

Dadaaladaa iyo wax qabadkiisa kalsooni abuurka leh ee wadaninimo waxay horseedeen:

In dhammaan Shacabkiisu uu noqdo mid Himilo, Damac, Rajo iyo kalsooniba yeesha.

(Shacab Wade Cabdi Maxamuud hortii, Shacabka Deeganku, wuxuu ahaa Shacab qalbiga iyo madaxu kala xidhanyihiin. Shacab aan rumeysnayn awoodiisa iyo in uu wax qabsan karo toona. Shacab aan talaabsankareynin oy wali silsiladihii Gumeystayaashii Xayle iyo Mangistu addimmada kaga jabsanyihiin cid ka jabisana la’.

Shacab xidh-xidhan, kala xidhan oon iskuba kalsooneyn, oo iswada basaasaya. Shacab hankiisuba yaryahay)

In dhammaan Shacabkiisa Miyi & Magaalaba la gaadhsiiyo Daryeel Caafimaad. Iyadoo ay badankoodu maanta helaan Daryeel Caafimaad oo tayeysan.

In dhammaan Shacabkiisa la gaadhsiiyo Waxbarashada aasaasiga ah. Iyadoo ay badankoodu maanta helaan Waxbarashada Tacliinta Sare.

In dhammaan shacabkiisu ay helaan jidad ay isagaga gudbaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka. Iyadoo ay badankoodu maanta haystaan Dariiqyo laami ah.

In dhammaan Shacabkiisu ay helaan biyo ay cabbaan. Iyadoo ay badankoodu maanta haystaan biyo macaan oy si howl yar u gaadhi karaan.

In dhammaan Shacabkiisu helaan taageerada iyo agabka tacbashada Beeraha. Iyadoo ay maanta badankoodu helaan Matoorada biyaha, Qalabka, Shinnida iyo Agabyo kale oo ka caawiya tacabka beeraha.

In dhammaan Shacabkiisu ay ka qayb qaataan hurumarka balaadhan ee dhan kastaba ah ee laga hirgalinayo dhammaan Gobolada iyo Dagmooyinka Deegaanku ka koobanyahay, Iyadoo ay badankoodu maanta ka qaybqaataan Talada, Maamulka iyo Maareynta danaha Dalka, Deegaanka iyo Dadkaba.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud, waa Madaxweyne Maskaxdiisa iyo Qalbigiisu wada socdaan.

Kuwa gudaha jooga iyo kuwa dibadda ku nool, dariska iyo beesha caalamka oo idil waxaan maanta cidna ka qarsooneyn:

Horumarka ballaadhan ee dhankastaba ah ee Deegaanka Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ka hirgaliyey.

Neecawda nabadgalyada dalka wadagaadhey ee Muwaadin iyo Muqiimba lawada hadhsanayo.

Hannaanka Dowladnimo, kaladanbeynta, Caddaaladda, cad-caddaanta, hawl-karnimada iyo waxqabadka, lagubaahiyey gobolada dalka. Loona sii dhaadhiciyey degmooyinka, tuulooyinka ilaa Qabaleeyada (xaafadaha) oo dhan.

Waxaa kale oo iyana ahmiyad ballaadhan ku fadhiyey, guulo wax ku oolana soo hooyey, booqashooyinkii silsilado jabiska ahaa ee ay Madaxweyne Cabdi iyo Cabdiyada kale ee Madaxweyne ku xigeenadiisu: Cabdilaahi, Cabdifataax, Cabdixakiim iyo Cabdicasiis ka Madaxtooyadu ay ku soo kala bixiyeen dhammaan qaaradaha aduunka. Iyaga oo Jaaliyadihii u dhashay Deegaanka ee ay la kulmeen uga warramay xaaladda dhabta ah ee uu dalku haatan ku suganyahay, maskaxdoodana ka saaray waxyaabo badan oo mala awaal iyo been abuur ku dhisnaa oo Deegaanka Warxumo-tashiilku ka faafiyeen.

Waxay uga xogwarrameen Isbadalada horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladda Deegaanku oy ugu horreyso nabadgalyadu, iyo sida ay Ciidamada Soomajestayaasha Liyu booliska Deegaanku meesha uga saareen gabi ahaanba khatartii ay Nabad-diidku ku hayn jireen Shacabka Deegaanka iyo Xoolahoodaba.

Waxay si faah-faahsan uga war bixiyeen Mabaadii’da lagu badhaadhay ee uu Deegaanka ku hoggaaminayo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Maashaa allah, Guulaha isdaba jooga ah ee xowliga ku socda ee uu Madaxweyne Cabdi Maxamuud Deegaanka ku hoggaamiyey, waxaa qayb weyn ka qaatay adeegsiga warbaahiyaha Qamar Sanaaciga saaran ee ESTV oo kowkabka aynu ku noolahay afartiisa jihood laga daawado, codkiisuna wada gaadhay. Waxaan leeyahay Madaxweyne Hambalyo.

Bagaad Hirgalisay Warbaahiyaha ESTV. Wuxuu qayb libaax ka qaatay isku xidhka Qurbojoogta & Qurbojiifta u dhashay Deegaanka iyo Bulshweynta ku nool Dalka gudihiisa iyo sidoo kale Dowladooda Deegaanka.

Xog isweydaarsiga dhexmaray Madaxda Deegaanka iyo Jaaliyadaha ku nool dalalka shisheeye, waxay soo jiiteen ooy sabab u noqdeen in Qurbojoog farabadan ay Dalka dib ugu soo laabtaan. Iyagoo ay badankoodu qayb laxaad leh ka qaadanayaan Hurumarka dhan kastaba ah, Dhismaha iyo warshadeynta ka socota guud ahaan Dalka Ethiopia, Gaar ahaan kuwooda u baahan maalgalinta ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale waxay talaabadaasi soo de-dejisey in Qurbojiif Farabadan ay Deegaanka dib ugu soo guryo noqdaan. Iyagoo ay badankoodu yihiin dad howl gaba. Waxay markii ugu herreysay ogaadeen in ay ku noolaan karaan Dalkooda hooyo. Waxay dhiirigalin ka heleen hanaanka Dowladnimo iyo maamulka suuban ee uu horkacayo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar. Waxay yaqiinsadeen in maanta maamulka ka jira Deegaanku yahay mid la isku halayn karo oo ay ku aamini karaan Naftooda, Ubadkooda iyo Maalkoodaba.

Marka wax kastaba laga soo tago, arinka ugu muhiimsan ee uu Madaxweyne Cabdi Maxamuud ka gun gaadhay, kuna guuleystay ayaa ah:

Isagoo shacabkii u dhashay Deegaanka ka dhaadhiciyey in ay yihiin shacab ka mid ah Shucuubta iyo Qowmiyadaha kala duwan ee kuwada nool Dalka Itoobiya.

Wuxuu Shacabkiisa ku abuuray Wadaniyadnimo Itoobiyaanimo ah, waana ta aad ugu fududeysay in Madaxweyne Cabdi Maxamuud uu gacan taageero uga helo Shacabkiisa, ka qaybqaadashada barnaamijyada horumarka, gaar ahaan dhinaca la dagaalanka Nabad diidka, ood hada moodo in cimrigoodu uu gabaabsi marayo.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud wuxuu gaadhsiiyey Shacabkiisa Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, inuu maanta noqdo shacab Sal Muggii u fadhiya. Shacab aan sidii hore u muluq-muluqleyn oon kolba meel isu dhufan. Shacab aaminey inuu ka mid yahay Shucuubta Dalka Itoobiya. Shacab ogaaday in uu xaq ku leeyahay Dalka Itoobiya oo maanta ka hela. Shacab growsaday in Dalkiisu isna Xaq ku leeyahay oo maanta bixiya.

Hadaba Madaxweyne Cabdiyow, intaa aan kor ku soo sheegay iyo in kaloo badan oonan halkan ku soo koobi kareynin ayaan anigu arkayaa.

Laguu doorin maayee, dalkaad u dhalatey iyo deegaankii ood u dadaashey baan arkayaa.

Xeelado casriyeysan, barnaamijyo tayeysan, wax qabad muuqda ood leedahay baan arkayaa.

Kaabayaasha dhaqaalaha kuwwooda muhiim ka ah ood kor u qaaday baan arkayaa.

Aayaha shacabka, ambadkii lagu hayay, asaagood ka reebay ood soo owddey baan arkayaa.

Geeluba aakhiruu xoogiisa arkaaye, shacabkii hurdey ood wax fahamsiisey baan arkayaa.

Nimco iyo sareedo ilaahay idinku galladay aseen la arki jirin ood tustay baan arkayaa.

Agoontii iyo maatadii ood uruurisay, kuwii aabayaashood dilayna, dabargoysey baan arkayaa.

Eberweyne Maxamed Cumar, kaan waxbaba ahayn iyo kooxdiisa ood edbisay baan arkayaa.

Yaanuu qalinku ila sii durkine, biri ma geydadii ood booskoodii ugu baaqday baan arkayaa.

Madmadow yare haba muuqdee, madaxdhaqameedkii deegaanka mansabkoodii hore ee kuligood lagu yaqiinney ood soo celisay baan arkayaa.

Duubkii ilaahay ceshadey iyo qareenkii Deegaanka ood sharaf iyo maamuus, aas qaran ku sagootidey baan arkayaa.

Haba kaa da’ weynaadaane, Waxkaleweynayaashii ood ka wada roonaatey baan arkayaa.

Dadaalo dheeraad ah, darmooyin nabadeed, deeqo wax barasho ood fidisay baan arkayaa.

Bowdo Rag maalinba mid baa qaawane, abaal badan ood guddey baan arkayaa.

Arligiina itoobiya, dowladaha Deegaanka kuwa ka arrimiya adigoo wada dhaafay baan arkayaa.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud ha lagu wada daydo, oo la leeyahay baan arkayaa.

Kuwii kuu darraan jirey, danahaaga dabooli jirey qowmiyadaha kale inaad isku dan tihiin adigoo ogaadey baan arkayaa.

Madaxweyne, dhan kastaoo la eegaba dibadda iyo gudahaba horumar waafiya oo la taabankaro ood ka gaadhay baan arkayaa.

Horumarka iyo guulaha baaxadda leh ee Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar (CMC) ku sagootiyey sannadkan aynu dabayaaqadiisa ku jirno waxaa ka mid ahaa:

Dhameystirka gagida diyaaradaha caalamiga ah ee Caasimadda Jig-jiga oo lugu maamuusay looguna magacdaray Halyeygii horseedka u ahaa, la dagaalankii Gumeysiga iyo gobanimo doonkii Deegaanka, Garaad Xirsi Garaad Faarax Garaad Xirsi (Wiilwaal).

Bilic dheer oo taariikh weyn leh oy magaalo nasiib maskaxi ka danbeysay u heshay, hasayeeshee hanan kari weydey oy dayacday, ayaa ilaahay solansiiyey oo uu asiibay markuu Madaxweyne Cabdi Maxamuud ka taagay badhtamaha jig-jiga Caasimada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waa taalada Sayid Maxamed Cabdule Xasan, Aabihii gobanimo doonka gayiga Soomaalidu ku nooshahay ee Geeska Afrika oo u dhashay Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud wuxuu qabanqaabiyey oo ilaahay ku guuleeyey, martigalinta Xuskii dabaaldagga maalinta Qowmiyadaha Dalka Itoobiya oo aan horay loo arag noociisa oo kale. Aad baan ugu farxay markaan arkay dadaalka faraha badan ee ay Madaxda iyo Shacabka Deegaanku ugu jireen soo dhaweyntii iyo martigalintii qowmiyadihii kala duwanaa ee martida u ahaa. Kuwaa soo ahaa dad aad u fara badan oo maalin qudha meel qudha isugu yimid.

Waxaanan kasii farxad badnaa markaan arkay Xuskaa Qowmiyadaha oo si nabadgalyo ah ku soo dhammaaday. Waxaanan niyadda iska idhi: Baguu dhammaaday oo uu guul & nabadgalyo ugu dhammaadey.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumarow, Cidi kuu tilmaami meysee, helyeeyaddii Qowmiyadda marwadii magaca dheereyd Xaawo Cismaan Taako oo u dhalatay Deegaanka Soomaalida Itoobiya ood iyana maamuusto ayaa lagaaga fadhiyaa. Guul & Horumar intaa ka sii balaadhan ood ku nagaadaan iyo heerka dhaqaalaha dex-dexaadka ah ee aad tiigsaneysaan ayaan adiga Madaxweyne Cabdi, Cabdiyada kale ee kugu xiga , Madaxda kale & Shacabka Deegaankaba u jajaynayaa.

Mahadsanidin;

Ahmed A. Ali
ahmedqadhabo@gmail.com

Fiiro Gaar Ah: Qoraalkan Waa fikirka qoraha marnaba kama turjumayo fikir Warbaahinta Allgalgaduud Media waxii dhaliil ah ama amaan ah fadlan kala xiriir qoraha emailkiisa ahmedqadhabo@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com