Daawo Sawirada: R/wasaare Cabdiwali Sheekh Oo Maanta Booqday Fanaanka Weyn Ee Cabdi Tahliil Warsame.

0

DSC_0436Muqdisho (AGGM): Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Cabdiwelli Sheekh Axmed ayaa noqday masuulkii ugu sareeyay ee booqda Fanaanka wayn ee Cabdi Tahaliil Warsame oo ku dhibaataysan magaalada Muqdisho muddo dhowr sano ah kaasoo u baahan in loo fidiyo gurmad caafimaad oo dalka dibadiisa ah kadib markii xanuunkiisa wax looga qaban waayay gudaha Soomaaliya iyo qaar kamid ah wadamada dariska.

Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa si wayn uga murugooday dhibaatada haysta Fanaanka waxaana uu ka codsaday bulshada Soomaaliyeed inteeda wax haysta inay u gurmadaan Fanaankooda.

“Fankeena Soomaaliya wuxuu kaalin weyn ka soo qaatay wacyigelinta bulshada, waana laf dhabarka horumarka iyo is dhexgalka bulshada, waxaan halkan ka bogaadinayaa dowrkoodii wanaagsanaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo salaan diiran u diray dhamaamba Fanaaniinta, Abwaanada iyo howlwadeenada fanka.

Cabdi Tahaliil Warsame wuxuu kamid ahaa Hobaladii Waabari waxaana uu soo qaaday Heeso badan oo iskugu jira Wadani iyo Jacayl, waxaana mid kamid ah heesihiisii ugu caansanaa dhinaca Wadaniga erayadoodii kamid ahaa.

Soomaliya soomaali baa leh
Ninkii kala saar lahoow
Ninkii kala sooc wadoow
Ninkii si xun u fikiroow
Adeey taladii ku seegtay
Sidaad moodeeyso maahan
War hooy soomaalia soomaali baa leh
Sareedo hadii aay ku waarto
Hadeey silic dhib gaaro
Samaanteed iyo xumaanteed
Soomaalia Soomaali baa leh.

DSC_0440 DSC_0436 DSC_0422 DSC_0419 DSC_0413

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com