War Deg Deg Ah: Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Breaking_NewsMuqdisho (AGGM): Qarax Xoogan ayaa Goor dhaw ka dhacay Aga gaarka Kuliyada Jaale Siyaad oo  Fariisin u ah Ciidamada AMISOM ee Jooga Dalka Soomaalia.

Qaraxa ayaa la Tibaaxay in uu ahaa Miinada Dhulka lagu Aaso,waxaana lala eegtay sida ay Dad goobjooge yaal ah noo sheegeen Ciidamo ka tirsan DFS oo Halkaasi mareyey.

Waxaa lagu soo waramayaa in Qaraxa uu Geystay Qasaare Dhimasho iyo Dhaawacba leh inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin Tirada dadka wax Gaareen.

Ciidamada Dowladda Soomaalia ayaa Goobta Gaaray waxaana ay wadaa Baaritaano Xooga,ayadoona Dadka deeganka ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaalia ay rasaas ku fureen Dadka Goobta u soo Daawasho tagay sio ay u kala eryaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com