Dhageyso: R/wasaarihi Hore Ee JF Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” Oo Wareeysi Siiyay Idaacada VOA.

0

Saacid-1Muqdisho (AGGM): Ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Saacid Shirdoon ayaa wareysi uu siiyay VOA wax yer uun kaddib markii uu wareejiyay xilka ra’iisal wasaaranimo wuxuu uga hadlay arrimo Xasasi Ah.

Ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya ayaa tilaamay in aqoonsiga beesha caalamka ay siisay dowladda Soomaaliya ay ku timid markii la arkay wax qabadka hey’adda dowladda sida tii fullinta oo uu isaga madax u ahaa.

Wuxuu sheegay in saacad iyo xilli kasta inta uu joogay xafiiska uu ka fikiri jiray siddii uu u qaban lahaa wax wanaagsan sida uu yiri.

Waxaa la weydiiyay in ay jireen wax faragallin ah oo lagu sameeyay shaqadiisa inta uu xafiiska joogay, wuxuuna Arintaasi Ka Bixiyey Jawaab Adag.

Ugu Danbaynta Ayaa Mr Saacid waxaa wax laga Waydiiyey Qorshiisa, Inuu Siyaasada Ka Fadhiisan Doono & Arimo kale oo Quseeya Mustaqbalkiisa.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Dhageyso Wareeysiga Raiisulwasaare Saacid

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com