Daawo Sawirada: Madaxweyne Xasan “IGAD Waa Inay Juhdi Walba Ku Bixisaa Si Loo Xaliyo South Sudan”.

0

saa4Nairobi, 27 December 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo ka qeybgalay shir madaxeedka dalalka IGAD loogana hadlayey xaaladda dalka South Sudan ayaa yiri “IGAD waa inay juhdi walba ku bixisaa si loo xaliyo South Sudan.”

Shirka madaxda IGAD oo lagu soo gabogabeeyey xarunta madaxtooyada ee Nairobi ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Jabuuti Ismail Omer Gelle, Madaxweynaha Ugandha Yuweri Museveni, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailamarian Deselegn, Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Sudan Bakri Xasan Saleh iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee South Sudan.

Kulankan ayaa warbixin looga dhageystey booqashadii Wasiirada Arrimaha Dibedda ee IGAD ay ku tageen magaalada Jubba, South Sudan 19kii ilaa 21kii December 2013. Dr Tedros oo ku hadlayey magaca Wasiiradda IGAD ayaa sheegay in Dowladda South Sudan iyo kooxaha ka soo horjeeda ay oggolaadeen dhexdhexaadin iyo xabad joojin si xal loogu helo khilaafaadka jira.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay shirka ayaa ku nuuxnuuxsaday inay muhiim tahay in IGAD ay si wadajir ah oo deg-deg ah ugu tafaxeytaan sidii xal deg-deg ah looga dhalin lahaa collaadaha ka jira South Sudan. Madaxweynaha ayaa yiri ” Waa inaan muujinaa dadaal kasta oo aan u joojineyno dhiiga daadanaya, isla markaana aan u dhexdhexaadin laheyn kooxaha ka soo horjeeda dowladda iyo dowladda si nabad iyo amni looga dhaliyo South Sudan. Soomaaliya 22sano oo collaado iyo rabshado ah baan soo aragnay, sidaas daraadeed, waxaan ka digeynaa in collaadaha ka bilowday South Sudan ay sii dabo dheeraadaan, waana in Dowladda lagu taageeraa qorshaha dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta oo ay hormuud ka noqotaa bacdamaa ay heysato sharciyadii dalka. Soomaaliyana diyaar bey u tahay inay waayo aragnimadeeda uga faa’iideyso South Sudan.

– DHAMAAD –

saa1 saa4 saa3 saa2 saa saa5

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com