War Deg Deg Ah: Dagaal U Dhaxeeya Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Caawa Ka Dhacay Gudaha Magaalada Kismaayo.

0

Breaking-NewsKismaayo (AGGM):Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal mudo saacado ah socday uu gudaha magaalada Kismaayo ku dhexmaray maleeshiyaad ka wada tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in guriga u dagan yahay mid kamid ah horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka oo lagu magacaabo C/nuur Cabdi Aadan ay soo weerareen maleeshiyo kale oo ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Goobjooge ku sugan gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxa uu sheegay warbaahinta AGGM in Ilaalada Horjooge C/nuur Cabdi Aadan ay iska caabiyeen maleeshiyada kale ee weerarka ku soo qaday guriga uu dagan yahay.

Dhinaca kale waxaa gabi ahaa faraha ka baxay amaanka magaalada Kismaayo oo todobaadyadi la soo dhaafay lagu dilay Horjoogeyaal ka tirsanaa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, odoyaal dhaqan iyo dad shacab ah, halka Horjoogeyaasha kale ee Raaskambooni ay casarki u hoydaan xeryaha ciidamada Kenya ay ku leeyihiin magaalada Kismaayo.

Waxaa ilaa hadda la ogeen khasaaraha uu reebay dagaalkan caawa u dhexeeyay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo waxaa dhowaanahan ka socday gudaha magaalada Kismaayo dagaal ba’an oo u dhaxeeya horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, waxaana dagaaladaas khasaare ka soo gaaraan dadka Rayidka ah ee ku nool magaalada Kismaayo, waloow dagaaladan dadka laga dhaadhiciyo inay soo qaadaan maleeshiyada Al Shabaab, balse xaqiiqdu waa ay ka duwan tahay oo dagaaladan waxa ay u dhaxeeyaan horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo uu waqtigan ka dhaxeeyo loolan ba’an oo siyaasadeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com