Top News: Itoobiya Oo Falaagada Al Shabaab Ku Eedeysay Weeraro Lala Damacsanaa In Lagu Qaado Magaalooyinka Addis Ababa Iyo Jig Jiga.

0

ethiopia-flagAddis Ababa (AGGM): Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in Al-shabaab oo xiriir dhow la leh Al-Qaa’ida ay ka danbeeyaan weerarkii Bambaanada ee Fashilmay ee lagu qaaday dalka Itoobiya gaar ahaan Caasimada Adis-ababa bishii October.

Warbixin si wadajir ah u soo saareen Hay’ada Sirdoonka iyo Ciidamada Boliiska Itoobiya ayaa waxay ku sheegeen inay xireen afar ruux kuwaasi oo ay ku sheegeen inay xubno ka yihiin Garabka Al-Qaa’ida ee Bariga Africa.

Boliiska Itoobiya ayaa wargeyska Suudaan Tribune u sheegay in Dadkaan ay qabteen Qorsheynayeen inay weeraro bambaano ah ku qaadaan Garoonka Kubada Cagta ee Addis-ababa halkaasi ay ku sugnaayeen dad ka badan 20,000 oo daawanayay Ciyaar dhexmareyso xulalka Ethiopia iyo Nigeria.

Tuhmanayaashaan gacanta ku dhigeen ayay Boliiska tilmaameen inay tababar ku soo qaateen Soomaaliya,islamarkaana shabaab u qoondeeyeen inay qarax ka doo fuliyaan Itoobiya, sida Boliiska Ethiopia hadalka u dhigeen halkaasi oo madax ka tirsan Dowlada Federaalka Itoobiya ay ku sugnaayeen.

Sidoo kale,warkaan ka soo baxay Dowladda Itoobiya ayaa intaasi wuxuu ku sii darayaa in dadkaani gacanta lagu dhigay qorshahooda uu ahaa inay weeraro ka geystaan magaalada Jig-jiga ee xarunta Dowladda Deegaanka Itoobiya gaar ahaan Xuska Maalintii Qowmiyadaha oo Labo todobaad ka hor looga dabaal degay magaalada Jig-jiga.

Saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Dowladda Itoobiya ayaa ka qeyb galay uu ka mid ahaa Raysal wasaaraha Itoobiya HaileMariam Desalegn.

“Isku deyga Fashilmay ee Argagixisada wuxuu ka mid yahay isku dayo badan oo sidaasi oo kale u fashilmay,iyadoo ugu wacan tahay wada shaqeynta ka dhaxeyso Shacabka iyo Dowladda Itoobiya,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Sirdoonka Itoobiya.

Inkastoofalaagada Al-shabaab si dhab ah u sheegan weerarkaasi ay fashilka ku sheegtay Dowladda Itoobiya ayaa hadana Ururka argagixisada ah ee Al-shabaab waxay horay wacad ugu martay inay weeraro ku ekeyn doonto wadamada Ciidamadooda ay ka joogaan Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com