Kismaayo: Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo 5 Haween Ah Tooreeyo Iyo Ullo La Dhacay.

0

raaskambooniKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay xalay 5 Haween ah la dhaceen Tooreeyo iyo Ullo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Haweenkan dhibaatada loo geeystay ayna galin wax dambi ah balse ay sabab u tahay oo qura beesha ay ka soo jeedaan in la dhibaateeyo.

Haweenkan ayaa hadda waxaa lagu dabiibayaa Isbitaalka magaalada Kismaayo, waxaana laga deeyrinayaa qaar kamid ah inay xaaladooda caafimaad liidato.

Ilaa hadda ma ay jiraan cid ka hadashay falkan waxuushnimada ah ee lagula kacay Haweenkaas.

Isku soo wada duuboo dhacdadan ayaa ahayn midii ugu horeeysay balse ilaa maalinti ay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo kaashanaya ciidamada Kenya gudaha usoo galeen magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo laa laabanayay tacadiyada loo geesanayo dadka Rayidka ah ee ku nool magaalada Kismaayo iyagoo loo beegsanayo heybta ay ka soo jeedaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com