Dhageyso+Daawo Sawirada: Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiwali Maxamed Axmad Oo Maanta Si Rasmi Ah Xilka Ula Wareegay.

0

DSC_0096

Muqdisho, December 26, 2013——Munaasabad ballaaran oo ka dhacday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa si rasmi ah xilka ula wareegay Ra’iisul Wasaaraha cusub mudane Cabdiwali Axmed, Maxamedwaxaana munaasabadan goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinayay Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadan oo ay goob joog ka ahaayeen inta badan xubnihii golaha Wasiirada ayaa waxaa xiriirinayay Afhayeenka Dawladda Ridwaan Xaaji Cabdiwali iyadoo ugu horeyntii uu goobta hadal ka jeediyay Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinayay Mudane Cabdi Faarax Shirdoon, wuxuuna xusay in 15 bilood ka hor uu goobtan maanta munaasabaddu ka dhaceysay uu kagala wareegay xilka Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadii KMG aheyd, xilkuna yahay meerto. Uuna maanta ku faraxsan yahay inuu xilka ku wareejiyo Mudane Cabdiwali Axmad Maxamed oo ay saaxiibo dhow ahaayeen muddo 30 sano ah.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa faallo kooban ka bixiyay waxqabadka xukuumadiisa mudadii ay jirtay, isaga oo xusay in horumaro badan laga gaaray Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, gaar ahaana sugida amniga, dhaqaalaha, iyo hagaajinta iyo soo celinta xiriirka caalamka. “Waxaan kula dardaarmayaa walaalkeey Ra’iisul Wasaaraha cusub dulqaad iyo wadashaqeyn dhow oo uu la yeesho hay’addaha dawladda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Intaasi kadib, waxaa goobta ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha xilka la wareegay Mudane Cabdiwali Axmad Maxamed, isaga oo tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu arko Soomaaliya oo si Dimuqraadi ah xilka kula kala wareegeysa, wuxuuna ku tilmaamay biseyl siyaasadeed iyo horumar aragtida siyaasadeed ee dalka.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga R/wasaare Saacid

R.W Saarihii hore ee Soomaalia oo soo dhaweyey

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga R/wasaare C/wali

cabdi wali sh Axmed Maxamed Rw Cusub

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga Madaxweynaha

madaxweynaha Soomaalia xasan sh maxamuud

IMG_9100 IMG_9091 IMG_9061 IMG_9043 IMG_9040 IMG_9007 DSC_0117 DSC_0115 DSC_0105 DSC_0079 DSC_0071 DSC_0057 IMG_9057 DSC_0122 DSC_0096 DSC_0024

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com