Dhageyso: Gudoomiyaha Gobolka Baay “Shirka Ka Socda Baydhabo Waa Mid Lix Gobal Maamul Loogu Samaynayo”.

0

hoosoowBaydhabo (AGGM): Gudoomiyaha Gobolka Baay Ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu maanta ka Qaybgalay shirka Maamul usameenta Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Baydhabo ka Soconaya mudooyinka dambe .

Gudoomiyaha Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow ayaa waxa uu sheegay in maamulka Gobolka Baay uu taageersanyahay Shirkan islamarkaana uu shirkan yahay shir Lix Gobol Maamul loogu Sameenayo shirkana uu yahay mid Soomaaliyeed ee uusan ahayn Shir Beel gaar u ah.

Cabdi Aadan Hoosow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Baay ay Maalin walba ay soo Xaadiri doonaan Hoolka ADC Ee Magaalada Baydhabo ku Yaala, waxa kale oo uu sheegay in Waxgaradka lixdaasi Gobol waxa ay ka mira dhaliyaan Shirkaasi ay iyagu ka Maamul ahaan ay Taageerayaan .

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Dhageyso Gudoomiyaha Gobolka Baay Shirka kasocda Baydhabo waa mid lix Gobal Maamul loogu samaynayo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com