Top News: Gabdho Soomaaliyeed Oo Hay’adda UNHCR Ka Soo Badbaadisay Magaalada Bor Ee Koonfur Sudan.

0

gabdho soomaaliyeedJubba (AGGM): Ilaa 11 haween Soomaali ah ayay hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ka soo badbaadisay magaalada Bor ee Koonfur Sudan, halkaas oo ay ka dhacayeen dagaalladii ugu cuslaa ee dhex mara dhinacyada isku haya siyaasadda waddankaasi.

Muno Nuur Diiriye oo ka mid ah haweenka ay soo badbaadisay Qaramada Midoobay, oo u warrantay Warbaahinta ayaa sheegtay in ay markii hore gudaha u galeen xarun ay Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Bor, kaddibna halkaasi ay ka soo qaadday diyaarad ay leeyihiin ciidamada Qaramada Midoobay ee jooga waddankaasi.

Waxa ay sheegtay in ay la socdeen 55 kale oo dumar ajaanib ah, kuwaas oo iyaguna xerada Qaramada Midoobay ee Bor u galay magan-gelyo doon.

Dhammaan haweenka ay soo qaadday Qaramada Midoobay ayaa la geeyay magaalada Jubba ee caasimadda Koonfur Sudan, halkaas oo ay haatan xaaladdeedu tahay mid deggan.

Isku soo wada duuboo dhawaan ayay ahayd marki wafdi ay qeyb ka ahayd Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Marwo Fowsiya ay gaareen magaalada Jubba ee caasimada dalka Koonfurta Suudaan si ay u dhex dhexaadiyaan Mucaaradka iyo Madaxweynaha Dalkaasi, balse Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya xataa waxa ay awoodi weysay inay horay u soo qaado ama u soo kaxeeyso qaar ka mid ah Gabdhaha Soomaaliyeed ee go’adoonka ku ah magaalada jubba ee dagaalada Sokeeye ee ka qarxeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com