Maqaal: Cali Daacuun “25 Wasiir, 25 Wasiir Ku Xigeen, 5 Wasiiru Dowle, Soomaaliya Ma Qaadi Kartaa, Mise Ceeb Bey Ku Tahay”?

0

cali daacuun1Qodobka 64-aad: Tirada Xubnaha golaha Shacabka Tirada Xildhibaanada caadiga ee Golaha shacbiga (Aqalka Hoose), ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waa Labo Boqol iyo Shan iyo Todobaatan (275), Waxay beeluhu u qeybsadeen wax la yiraahdo 4.5, mana rumeysni inay tahay DIINIYAN, AKHLAAKHIYAN, in qof LAB ah lagu tilmaamo .5, haseyeeshee, Soomaalida ayaa ku heshiisay, waxna ku qeybsatay, kolkaad aqrido qodobka 64-aad ee Dastuurka ku qoran.

Miyaanay habbooneyn in baarlamaanku ka saaro dastuurka tirada kala dhiman ee wax lagu qeybsaday ee ku salaysan hab beeleedka, inta aan loo guda galin Golaha Fulinta.

Ma suurtoobi karto, in baarlamaanka lagu qeybsado 4.5, Golihii fulintana lagu qeybsado Shan beelood oo siman, waxay arrintaasi noqoneysaa wax is khilaafsan, kana soo horjeeda qaabkii lagu qeybsaday baarlamaanka.

MURTI AYAA ORANEYSA (HASHU MAANKEYGA GADAYE EE MA MASAAR BEY LIQDAY), waxaan uga jeedaa Madaxweynaha, Guddoomiyaha baarlamaanka miyaaney akhrisan waxa ay beeluhu ku qeybsadeen Golaha Shacabka, mise waxay jecelyihiin inay wax ku fuliyaan siyaasad ay markaas dan ka leeyihiin.

Waa wax lala yaabo, kooxdan yar ee af-duubka ku heysata qarankii soomaaliyeed in lagu fiirsado siyaasadaha shirqoolka ah ee iska hor keenaya beelihii soomaaliyeed, ee mar hore wax ku qeybsaday 4.5.

Waxaa soo iftiimaya shirqoolkii 184-ta Mudane ay ku heshiiyeen, sida uu hadda u burburaayo, Beesha Shanaad waxaa hoggaaminaya Faarax C/qaadir oo baadi goobaya, sidii loo heli lahaa 5-wasiir oo la siiyo beesha shanaad; maxaa yeelay waa beel markii la rabo wax lagu fushan karo, laguna burburin karo.

Waxaa kale oo habeenkii xalay ku arkaayay qasriga Madaxtooyada, koox la baxday (KUDLAD) oo baadi goob ugu jirta, ballanqaadyadii ku saleysnaa marka aanu ridno ra’iisul-wasaarihii hore, waa inaanu helnaa saamigii aanu ka heli laheyn xukuumadda cusub. Waxay ilaaween inay ku yimaadeen 4.5, waxa lagu qeybinaayo golaha fulintana inay tahay 4.5, waxaad moodaa iyagana in la isticmaalay, maadaama ay wax ku baadi goobayaan wax la yiraahdo (kudlad).

Waxaa kale oo iyana olole ugu jirta baadi goobka Golaha Wasiirada, koox la baxday (BADBAADO), iyagana waxaa lagu hawl geliyay, kolka aad riddaan ra’iisul-wasaarihii hore, waxaad ka muuqan doontaan Siyaasadda cusub ee dhalan doonta, waxaana qeyb libaax ka heli doontaan golaha Wasiirada ee cusub.

Waxaa tasa ka sii daran, qof qofka iskiis u socda oo baadi goobaya ballan qaadkii laga ballan qaaday inuu ka mid noqon doono xukuumada cusub.

Isku soo wada duub; waxaa soo iftiimaya qaabkii loo shirqoolay Ra’iisul-wasaarihii hore Dr. Saacid, iyo sida hadda laysu maan dhaafsan yahay kuwii ka danbeeyay inqilaabka. Waxaan u dhaafi doonaa taariikhda aan beenta sheegin iyo maalmaha dhow ee innagu soo haya foodda.

Waxaa taa ka sii daran, kuwii loo ballan qaaday inay noqonayaan Ra’iisul-wasaare, kolka Saacid la rido, oo iyaguna si deg deg ah diyaarad uga raacay Muqdisho, iyagoo ilaaway inay ka mid yihiin Golaha Baarlamaanka.

Waxaan talo ahaan, u soo jeedinayaa Ra’iisul-wasaaraha cusub inuu ka fogaado, wax ka badan 18-wasiir, 18-kuxigeen, 2-wasiiru dowle, haddii uu aqbalo hindisaha kooxda yar ee ka soo jeeda urur diimeedyada, sida DAM JADIID, JAMAACATUL ISLAAMIYA iyo MADAXWEYNE Xasan Sheekh oo ku lammaan, waxaa kala kulmi doontaa Beesha Caalamka Fadeexad, shacbiga soomaaliyeedna waxay u arki doonaan in loo yeedhiyey, iyagoo waxuun kooxdaasi ay rabto inay ka fuliso ballan qaadyadii dhagareysnaa.

Soomaaliya, marnaba xal u noqon meyso in laga dhigo Golaha Fulinta 25-wasiir, 25-wasiir kuxigeen, 5-wasiiru dowle, maxaa yeelay waa soo marnay, waxnna way soo kordhin waayeen, marka laga reebo kharash fara badan oo ay galaan.

65-tii Mudane ee uu ka geeriyooday Mujaahid Feysal, waxay u taagan yhiin inay bad-baadiyaan wadanka, waxaana hadafkoodu yahay inaan mid kasoo noqon wasiiradii hore ee galay shirqoolka dhagareysan, saxeexayna mooshinkii laga soo mustafeeyay qasriga Madaxtooyada. U maleyn maayo, inay baadi goob ugu jiraan sidii ay uga mid noqon lahaayeen xukuumaddan cusub; haddii ay soo noqdaan dhagar qabayaashii, Soomaali baday xukuumad la’aanta.

Khabiir Siyaasadeed

Cali Daacuun
kheyreps@gmail.com

Fiiro Gaar Ah: Qoraalkan Waa fikirka qoraha marnaba kama turjumayo fikir Warbaahinta Allgalgaduud Media waxii dhaliil ah ama amaan ah fadlan kala xiriir qoraha emailkiisa kheyreps@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com