Gaalkacyo: Saddex Ruux Oo ku Dhaawacantay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Bandiiradley.

0

gaadidka qaadkaGaalkacyo (AGGM): Saddex qof ayaa ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay deegaanka Bandiiradley
oo 60 km dhinaca koonfur uga beegan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Gaariga oo ah nooca jaadka qaada ayaa rogmaday kaddib markii ay qaraxday mid ka mid ah taayarrada, waxaana ku dhaawacmay darawalkii waday iyo labo dhallinyaro oo la saarnayd gaariga, sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah.

Dhaawacyada ayaa loola cararay isbitaalka magaalada Gaalkacyo ee dhinaca maamulka Galmudug.

Dr. Maxamuud Shiino oo ka mid ah dhaqaatiirta isbitaalka ayaa Warbaahinta u sheegay inay liidato xaaaladda dadka ku dhaawacmay shilka.

Gawaarida jaadka ayaa inta badan lagu wadaa xawaare saa’id ah oo uu shil ka dhalan karo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com