War Cusub: Midowga Yurub “Weli Lagama Guuleeysan Burcad Badeeda Soomaaliya”.

0

eu-flagMuqdisho (AGGM): Midowga Yurub ayaa qaadanaya talaabada ka dhanka ah la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida, waxaana ay dib u qabanayaan hogaanka kooxda la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida horaanta bisha Janaayo ee sanadka 2014.

“Weerarada burcad badeeda sanadkii ugu dambeeyay hoos ayay u dhaceen, laakiin la dagaalanka burcad badeeda wali laguma guuleysan, waxaa in hayadaha caalamiga ay sii wadaan la dagaanka burcad badeeda”sidaasi waxaa tiri madaxa arimaha siyaasada dibada Catherine Ashton.

Maciej Popowski, ku xigeenka ergayga midowga Yurub ee adeegyada dibada ayaa u adeegi doona sida gudoomiyaha midowga Yurub,Gudoomiyaha koox xiriirka ayaa ku biiraya howlgalka la dagaalanka burcad badeeda.

Kooxda xiriirka ee Contact Group ayaa la aasaasay 14 Janaayo sanadkii 2009, iyadoo lagu ansixiyay qaraarka golaha amaanka ee tirsigiisu yahay 1851, waxaana ujeedada ay aheyd inka badan 60 wadan iyo ururo la dagaalama burcad badeeda xeebaha dalka Soomaaliya.

Waxii ka dambeeyay markii ururkaasi la aasay, waxaa yaraaday weeraradii ay geysan jireen kooxaha burcad badeeda Soomaliya, waxaana kooxaha burcad badeeda ay ku faafeen xeebaha galbeedka qaarada Africa.

Tirada afduubka ay geysteen kooxaha burcad badeeda sanadkii 2011 ayaa gaarayay 700, iyadoo sanadkaan 50 weerar ay geysteen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com