Top News: Dowladda Oo Ka Hadashay Xaalada Soomaalida Ku Nool Dalka Koonfurta Suudaan.

0

FOWSIYAAMuqdisho (AGGM): Siihaayaha Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta dalka dib ugu soo noqotay, kadib safar ay ugu maqneyd dalka Koonfurta Suudaan oo rabshado ay ka dhacayeen.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa waxa ay kamid aheyd wafdi wasiiro ah oo IGAD ay uxilsaartay arimaha Koonfurta dalka Soomaaliya ayna xabadjoojin soo kala dhex-dhigaan Kooxaha dalkaasi ku dagaalamaya.

Marwo Fowsiya ayaa waxa ay sheegtay in intii ay ku sugnaayeen dalka Suudaanta Koonfureed ay la kulmeen madaxda dalkaasi ayna sameeyeen xabadjoojin ku aadan in la joojiyo dagaalka.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa ka hadashay Soomaalida ku nool dalka Koonfurta Suudaan, oo ay sheegtay inay aad ubadan yihiin oo xarumo ganacsi ay dalkaasi ku leeyihiin.

Waxa ay sheegtay in ilaa labo ruux oo Soomaali ah ay ku geeriyoodeen dhibaatooyinka dalkaasi ka dhacay, iyadoo xustay in 120 qof oo Soomaali ah inay ku jiraan Xeryaha UN-ka ay ka fureen dalkaasi Koonfurta Suudaan.

Wasiirada waxa ay intaasi warkeeda ku dartay in dalalka xuduuda la leh dalka Koonfurta Suudaan, ay kala hadleen sidii dadka Soomaalida ah ay uga gudbi lahaayeen dalkaasi Koonfurta Suudaan oo aan xuduudaha lagu celin, taasina ay ku sheegtay inay ku guuleesatay.

Soomaali badan ayaa maalmahan dambe warbaahinta ka hadlaye kuwaasi oo ku sugan Koonfurta Suudaan, waxaana ay sheegeen inay aad uga xun yihiin in loosoo gurman waaye maadaama dalalka caalamka muwaadiniintooda ay halkaasi kala baxayeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com