Top News:Madaxweynaha Soomaalia Agabka Ciidanka Al-shabaab ayaa gatah

0

3Muqdisho (AGGM): Xasan Sh Maxamuud  Madaxweynaha Soomaalia ayaa sheegay in Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaalia ay si Sharcidaro ah ku gataan Hubka iyo Dariska,intaa kadibna Shabaab gacanta u galo .

“Hubka Dowladda Shabaab ayaa si fudud ku hela,waxaa lagu laayaa Mas’uuliyiimta Dowladda,Saraakiisha iyo Dadka indhaha Bulshada u ah”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sh.

Madaxweynaha Dalka Soomaalia Xasan Sh. Maxamuud ayaa sidoo kale ugu baaqay Laamaha Amaanka Soomaalia in xiliyada ay Howlgalada ku  jiraan,Dadka ay soo qab qabtaan ee aan Al-shabaabka aheyn in si wanaagsan loola dhaqmo.

Waxuu intaa ku daray in ay jiraan Dad badan oo aan Al-shabaab aheeyn islamarkaana dhibaato loo geystay Xiliyada Baaritaanada ay socdaan.

Hadalka  Madaxweynaha ayaa imaanaya xili inta badan Hubka Dowladda Soomaalia si sharcidaro ah suuqyada loogu iibiyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com